Golaha Shacabka oo soo saarey go'aano ka dhan ah XF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib muddo bilooyin ah oo ay fasax ku maqnaayeen, Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah yeeshay kulankii koowaad oo qayb ka ah kalfadhiga 6aad.

Fadhiga oo uu gudoomiyey Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa waxaa soo xaadirtay 152 Xildhibaan. Tiradda ee Golaha Shacabka ayaa waxay gaareysaa 275 sharcidejiyeyaal.

Ajendaha ayaa ahaa hadal jeedinta guddoomiyaha Ggolaha Shacabka iyo akhrinta 1aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka & midka dabiiciga.

Mursal oo soo hadal-qaaday xalkii laga gaarey khilaafkii kala dhaxeeyay Aqalka Sarre ayaa hoosta ka xariiqay in ay u sahleyso gudaha waajibaadkooda gaar ahaan ansixinta hindise sharciyeed dhowr ah oo horyaala.

Xeerarka oo isugu jira kuwa kala maraya akhrinta koowaad, labaad iyo saddexaad ayaa waxay kala yihiin sida hoos ku xusan;

Akhrinta Saddexaad

Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada

Akhrinta labaad

Hindise sharciyeedka Xamuulka iyo Xadeynta Cabirka Baabuurta

Hindise sharciyeedka Wadooyinka

Hindise sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga Iibka Qaranka

Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

Hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayadhowrka Soomaaliyeed

Hindise sharciyeedka Furdooyinka

Hindise sharciyeedka Dib-u-eegista sharciga Shaqaalaha rayidka dowladda

Hindise sharciyeedka Naqshadeynta Magaalooyinka

Hindise sharciyeedka Statics Soomaaliyeed

Hindise sharciyeedka Waxbarashadda

Hindise sharciyeedka La dagaalanka argagixisadda

Akhrinta koowaad

Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka

Hindise sharciyeedka Qareenadda

Hindise sharciyeedka Hay'addaha Damaanada Maalgashiga badan

– Su'aallo waydiin –

Intii uu hadal-jeedinta ku jiray, Mursal, ayaa carabka ku adkeeyay in qabyo tirka Dastuurka ay muhiim u tahay yoolalka waaweyn ee Qaranku leeyahay gaar ahaan doorashooyinka.

Isbedel ayuu ka dhawaajiyey in lagu sameeyay jadwalkii maalin laha ee Golaha, gaar ahaan maalinta Axadda ah oo uu xusay in Wasiiradda xukuumadda ka tirsan ay Golaha hor-imaan doonan si loo su'aallo.

Guddiyadda golaha ayaa la faray in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaraddaha ay bah-wadaagta yihiin si ay u korjoogteeyaan howlahooda una yeeraan marka loo baahdo.

– Soo xaadiritaanka –

"Kalfadhigan 6aad shaqooyinka noola aad ayey u balaaran yihiin, marka soo xaadiritaanka aad bey muhiim noogu tahay, wadan doorashadiisa annaagaa noogala fadhiyaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Xubnaha laanta fulinta ee waddanka gaar ahaan qeybtooda Xildhibaanadda ah ayaa waxa uu cod dheer kaga dalbaday in ay si joogto ah u soo xaadiraan kulamadda maalinlaha ah, hadii aysan shaqo lahayn.

"Wasiiradda Xildhibaanada ah markay shaqo ku maqan yihiin maahanee inta kale waxaan rabnaa in ay fadhiyaan…tiradda wasiirada ah waa tirro aad u weyn, tirro yar maahan, waxaan ka codsaneynaa mar walba in ay fadhiyaan".

Sidda lagu ogaaday xog-uruurin la sameeyay, tiradda wasiirada ee Xildhibaanadda ah kana tirsan xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre ayaa gaareysa 72%, taas oo ujeedada laga leeyahay lagu sheegay "mooshin ka hortagid".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM