Balantii Xaaf looga baxay ee go'doonka ku gelisay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Kala taag-taaga siyaasadeed ee Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la tilmaamayaa in uu holac kusii shidayo dano iska soo horjeeda oo ay dhinacyaddu wataan.

Villa Soomaaliya ayaa xusul-duub waxay ugu jirtaa sidii ay doorasho ugu qaban-lahayd maamulkaasi bisha soo aadan ee Julaayo taasi oo madaxda dowlada federaalka ay u aragto fursad ay ku difaacan karaan fursadood.

Xaaf oo kasoo horjeeda qorshahaasi ayaa waxa uu dalbanayaa in coddeynta ay qabsoonto sanadka 2021-ka taasi oo dharbaaxo ku ah dadaalada xukuumada ee ku aadan in ay xilalka kusoo laabtan marka waqtigaasi la gaaro.

Xisbiyadda siyaasadeed si gaar ah kuwa ay hormuudka u yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee degaanada Galmudug kasoo jeeda ayaa qudhooda garab-istaag weyn u muujiyey Xaaf waxayna codsanayaan in aanan la farogelin.

Xafiiska Xaaf ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay been abuur iyo waxbo kama jiraan yihiin wararka sheegaya in uu is-casilayo, wuxuuna ku eedeeyay xukuumada in ay wararkaasi faafineyso.

"Xaaf oo go'doon ku jira"

Madaxda dowladda federaalka oo horey u kala geysan Xaaf iyo ku xigeenkiisa si lamid ah afhayeenka baarlamaanka ayaa haatan u muuqata in ay gacanta midig ku dhigtay darafka labaad oo ah hogaanka Ahlu Sunna.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in madaxda Ahlu Sunna ay ogolaadeen dalabka xukuumada ee ku aadan in doorashada ay dhacdo bisha Julaayo xili wasiirka arrimaha gudaha federaalka uu Dhuusamareeb ku sugan yahay.

Cali Siciid Cumar Ibraahim, wasiirka maaliyadda Galmudug, ayaa ku eedeeyay hogaanka Ahlu Sunna in ay balantii uga baxeen Xaaf isla markaana uu "haatan go'doon ku yahay caasimad goboleedka Galgaduud".

Xogo uu helay mareega Garowe Online ayaa sheegaya in Xaaf uu diidey in uu la kulmo wafdiga wasiir Cabdi Sabriye wallow ay socdaan dadaalo la isugu soo dhoweynayo oo qaab gaabis ku socda.

"Ma garan karno waxay ku basheen kooxda balanta uga baxday madaxweyne Xaaf. Balse reer Galmudug bayaan ayey kasoo saari doonan," ayuu Wasiir Cali u sheegay Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho.

GO ayaa sidoo kale fahansan in yabooha uu hogaanka Ahlu Sunna siiyey Xaaf balse ay uga baxeen ay tahay "in ay iska caabin doonan gacma-gacmeynta xukuumada aysana qabsoomi doonin doorasho"

Xaalka ayaa ah cakiran iyadda muddo laba maalmood ah oo wafdiga wasiir Sabriye ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb inkasta oo uu horey uga dhawaajiyey in uu kasoo tegi doonin halkaasi iyada oo aan xal la gaarin.

Sabriye ayaa waxaa la fahansan yahay in uu ka cararayo in uu kasoo tago Dhuusamareeb isaga oo aan la kulmin Xaaf taasi oo ku noqon karta dharbaaxo iyo weji gabax aad u daran.

Dhanka kale, duleedka Dhuusamareeb waxaa tan iyo illaa iyo Jimcadii taagan ciidamo ka amar-qaata Xaaf doonayana in ay u gal-biyaan xarunta gobolka Mudug.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa rumeysan in ay hadii mar uu Xaaf tago Gaalkacyo ay su'aal gelin karto in ay doorasho dhici doonto bisha Julaayo, inkastaoo ay wax kasta isbedali karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM