Bandowga Muqdisho oo dabcay kadib markii la gubay sawirka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib banaanbaxii lagu gubay sawirka madaxweyne Farmaajo ee dhacay todobaadkii hore, waxaa dabcay bandowga habeenkii ee magaala madaxda waddankeena Soomaaliya ee Muqdisho.

Hoos-u-dhaca ayaa laga dareemayaa in uusan bandowga bilaaban waqtigii ay horey u shaacisay dowladda oo ahayd labada fiidnimo kadib markii laga soo raray kowda, taas oo carro xoogan laga muujiyey.

Nolosha habeenkii ee caasimadda ayaa si aayar ah ugu soo noqoneysa sidii caadiga ahayd. Makhaayadaha, goobaha ganacsiga sidda Carwooyinka iyo Gaadiidka ayaa shaqeynaya xilliga bandowga.

Dhaqdhaqaaqa wadada Maka Al Mukarama oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ayaa caadi kusoo laabaneyso, iyaddoo aysan jirin ciidamo gaaf-wareegaya, siddii horey looga bartay.

Wallow ay jiraan mehrado xiran, waxaa sareysa cabsida laga qabo in uu jabo bandowga, taas oo dharbaaxo kale ku noqoneysa dowladda maadaama horey waji gabax xiritaanka Masaajida magaalada.

Dhinacyadda uu saameeyo ayaa ku kala qeybsan bandowga habeenkii ee Muqdisho. Qaarkood waxay ku adkeysanayaan in ay doonayaa in ay shaqeystaan, halka kuwa kalena ay taageersan yihiin.

Tukaanle magaciisa uga gaabsaday sababo la xiriira isagoo u baqaya amnigiisa ayaa yiri "Waa run in cudurka magaalada ku faafay, balse maxay tahay cabsida aan maalintii jirin ee habeenkii imaaneysa?".

Goobaha lagu ciyaaro kubada ayaa sidoo kale caadi u shaqeynaya. Intaas waxaa jira, mehrado ganacsi oo ku yaala wadada Maka Al Mukarama oo si qarsoodi ah ku shaqeya.

Mudaaharaadka asbuucii hore gilgilay caasimadda ayaa ka dhashay dil uu askari boolis ugu geystay nawaaxiga hoygooda laba shacab ah. Marxuumiinta ayaa kala ahaa wiil da'yar ah iyo haweeney umul ahayd.

Dibad-baxa ayaa dhacay maalin kadib makrii dowladdu shaacisay in bandowga uu bilaaban doono kowda fiidnimo. Hase ahaatee, isu soo baxaas kadib waxay ku celisay waqtigiisii hore oo ahaa labada fiidnimo.

Sikastaba, wixii ka dambeeyay banaanbaxaas waxaa dabcsanaan laga dareemayaa bandowga, iyaddoo ciidamadda jooga kontaroolada magaalada aysan ahmiyad siineynay joojinta shacabka iyo gaadiidka.

Muqdisho ayaa hogaamineysa magaalooyinka waaweyn ee dalka marka laga hadlo tiradda kiisaska ee laga diiwaan-geliyey tan iyo markii bishii Maaj laga soo wariyey kiisaksii hore oo laga soo dhoofiyey Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM