Barlamanka Federaalka oo ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka

Image

February 11, 2015 (GO)- Xildhibaannada Barlamanka Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

113 xildhibaan oo kamid ah 144 fadhigii maanta soo xaadirey ayaa xeerka ogolaaday waxaana diidey 21 xildhibaan halka toban kale ka aamuseen.

Xeerkan oo muddo todobaadyo ah barlamanku ka doodayey wuxuu laf dhabar u yahay doorasho ka dhacda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Tallaabada xigta ee la qaadayo ayaa noqon doonta magacaabista xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Xeerka maanta la meel mariyey ayaa dhaqan geli doona marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii barlamanku ansixiyey golaha wasiirada ee dhowaan uu soo dhisey Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM