​Barlamanka Somalia oo Go'aan ka gaaraya Xilka Wasiirka Dastuurka

Image

MUQDISHU, Somalia - Barlamanka Somalia ayaa maanta dood kulul ka yeelanaya Xilka Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, kadib markii uu Axadii lasoo dhaafay ka cudurdaartey inuu hortago Gollaha Shacabka.

Kiiska Wasiir Xoosh ayaa gaarey meel xasaasi ah, iyadoo Xildhibaanada ay sheegeen in maanta ay go'aan kama dambaysa ah ka gaari doonaan Xilka uu hayo, haddii uu yimaado Kulanka, iyo haddii kale, maadaama uu si cad uga kahor yimid qaraar Baralamani ah.

Xoosh ayaa Axadii Todobaadkan Warqad usoo diray Gudoonka Barlamanka, oo uu kaga cudurdaartay imaanshaha Gollaha Shacabka, isagoo sheegay inuu xanuunsanayo oo dibadda caafimaad u aaday.

Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa lagu haystaa qoraallo uu soo dhigay Baraha uu Twitter-ka iyo Facebook ku leeyahay, oo uu ugu xad-gudbay, sida Xildhibaanada sheegeen Hay'adda sharci dejinta dowladda FS.

Xoosh wuxuu kahor yimid, oo uu sharci darro ku tilmaamay go'aankii uu Barlamanka ku laalay amarkii Maxkamadda sare kasoo baxay bishii May, oo ahaa in dib loogu laabto doorashada kuraasta 8 Xildhibaan.

Waxaa intaasi dheer in Xoosh  uu si joogta ah qoraallo uu ku weerarayo Xildhibaanada ugu qoraa baraha bulshada gaar, ahaan Facebook iyo Twitter, isagoo sheegaya in Barlamanka uusan awood u lahayn inuu ka hor-yimaado Amarka Maxkamadda sare.

Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ah guddoomiyaha Guddiga howlaha guud ee Barlamanka Somalia, ayaa sheegay in maanta ay ka doodi doonaan Xasaanada Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in qodobka 69-aad ee Dastuurka, gaar ahaan Faqradiisa (C), uu siinayo Barlamanka awood uu xilka kaga qaadi karo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

"U-yeeridda Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa-bannaan, waa qodod dastuuri ah, sidaas darteed Mas’uul kasta oo u hogaansami waayo, wuxuu Barlamanka awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa," ayuu yiri Xildhibaan Cabdifitaax.

Cabdiraxmaan Xoosh ayaa qarka u saaran in Barlamanka uu kala laabto Xasaanadiisa Wasiirnimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM