Beyle oo kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga cusub ee Maaliyadda BF [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta Gollaha Shacabka, kadib markii isbedel lagu sameeyay.

Kulankan ayaa ka damabeeyay markii shalay uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal uu 3 xubnood oo caqabad ku ahaa Xukuumadda uu ka saarey Guddiga Maaliyadda, kuwaasoo la rumeysan yahay inay diyaariyeen warbixintii musuq-maasuqa.

Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka maanta oo ka dhacay Villa Hargeysa looga hadlay sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen Wasaaradiisa iyo Guddiga Maaliyadda howlaha culus ee horyaalla.

"Waasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda waxaa ka go'an in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka," ayuu ku yiri Beyle qoraalka Facebook uu soo dhigay.

Guddiga Maaliyadda ayaa soo saarey bishii October warbixin xasaasi ah, ku eedaysay Wasaaradda Maaliyadda inay lunsatay $42 milyan oo dollarka Mareykanka, taasoo dano gaar ah loo isticmaalay, laguna soo darin miisaaniyadda cusub ee 2019.

Cabdiweli Muudey, gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka ayaa guddiga kalal diray markii uu warbixintan soo saarey, iyadoo uusan kala tashan Gudoomiyaha, Maxamed Mursal oo xilligaasi ku maqnaa safar dalka Turkiga.

Kala dirista guddiga ayaa khilaaf xooggan ka dhex abuuray guddoonka Gollaha Shacabka, iyadoo uu hakad ku yimid fadhiyadii laanta sharci-dejinta dalka, waxaana hadda qarka u saaran in la ansixin waayo miisaaniyadda 2019, oo waqtiga uu ka dhacayo.

Hadii uu Gollaha Shacabka ku meel marin waayo Miisaaniyadda ugu dambeyn 31-ka bishan December, waxaa Xukuumadda soo wajihi doona kharasha la'aan, iyadoo ku khasbanaan doonto inaysan bixin mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM