Laftagareen oo magacaabay guddi soo xulaya Xildhibaano

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa maanta oo Isniin ah magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Lafta Gareen kuna taariikheysan 10-ka Febraayo 2020 ayaa lagu soo bandhigay xubnahaan.

Xubnaha guddiga oo wadar ahaan ka kooban tobban ayaa saddex kamid ah waxay yihiin haween, taasoo ah qoondada dumar ee %30.

Sidda ku xusan warqadda, Maxamed Keerow Maxamed ayaa gudoomiye u ah guddiga, halka Nuuradiin Ibraahim Aadan uu yahay ku xigeen. Aadan Maxamed Cali waxaa laga dhigay xoghayaha.

Hoos ka akhriso magacyadda oo idil

Maxamed Keerow Maxamed, gudoomiyaha
Nuuradiin Ibraahim Aadan, ku xigeen
Aadan Maxamed Cali, xoghaye
Mowliid Xasan Axmed, xubin
Jeylaani Maxamed Cowf, xubin
Faadumo Maxamed Axmed, xubin
Aamin Cumar Maxamed, xubin
Cumar Cali Isaaq, xubin
Faarax Sheekh Maxamed, xubin
Caasha Cali Ibraahim, xubin

Magacaabistaan ayaa imaaneysa iyaddoo bilooyinkii lasoo dhaafay uu muran ka taagnaa hanaanka loo marayo soo xulista mudaneyaasha, taasoo illaa iyo haatan aan la shaacin hadii xal waara laga gaarey.

Qaramada Midoobay ayaa daaha ka rogtay in doorashadii Laftagareen loo adeegsaday laaluush, waxayna sheegtay in Villa Soomaaliya ay ku bixisay malaayiin Doolar sidii ay u soo saari lahayd siyaasi taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM