Casharada ay dowladdu seegtay in ay ka barato xasuuqii Soobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba sano kadib Soomaaliya ayaa dib u xusuusaneysa xasuuqii 14-ka October 2017-kii, taas oo galaafatay nolosha boqolaal ayna ku dhaawacmeen in ka badan 1000 qof.

Weerarada oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa ayaa galab Sabti ah waxa uu ku qarxay isgoyska Soobe oo xiliyaddaas oo kale ah mid aad u mashquul badan.

Badi dadka geeriyooday oo la rumeysan yahay in ay shacab ahaayeen ayaa loo maleynayaa in ay u dhinteen dabka, holaca qaraxa ka dhashay iyo burburka dhismeyaashii ka akdhowaa halkaas.

Dhacdadan oo wax weyn ka bedeshay taariikhda Soomaaliya ayaa ka dhigtay falkii ugu dhimashadda badnaa oo ay geystaan kooxaha Jihaad-aloosyaasha ah iyo dhacdadii ugu geerida badneyd dunida.

Qaraxyadii daaraha mataanaha Mareykanka ee 2001-dii ayaa ahaa midkii ugu dhimashada badnaa aduunka. Mahadhadaas oo ay Al-Qaacida maleegtay waxaa ku naf-waayay in ka badan kun ruux.

Labadda masiibo waxay ka siman yihiin burburka dhismeyaasha, wallow ay ku kala badan yihiin tiradda iyo qiimaha, haddana dhanka dhimashadda waxaa u dhaxeeya farqi weyn.

Intaas waxaa wehlisa in uu jiro farqi ay dowladaha, oo ku aadan casharadda ay ka barteen dhacdooyinkaas. Xag farsamo ahaan, mid amni, sirdoon ahaan iyo niyadda muwaadiniinta.

Cabdi Salaan Guuleed, khabiir dhanka ammaanka ah horeyna uga tirsanaa Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa aaminsan in xukuumaddu ay seegtay fursadaas u furneyd.

Jidadkii oo wali xiran, ka hortaga oo aan wali jirin, Gaadiidka gurmadka oo aan la kordhin iyo Isbitaal weyn oo lagula tacaalo bukaanada hadii musiibo dhacdo oo aan la furin, ayuu ku kala qeexay.

"Way imaan kartaa mar kale, waxaan og-nahay in dadka badankii ay u dhinteen dabka qabsaday iyo gaadiidka gurmadka degdeg ah oo yaraa, marka waxaan arkaa in dowladdu aanu wax cashar ah ka baran," ayuu u sheegay BBC-da.

Musiibadii Soobe oo badankeeda ay shacab ku dhamaadeen ayaa nan wali bartilmaameedku caddeyn, warar is-khilaafsan ayaana ku xeeran. Qaar baa leh Xalane, halka kuwa kalena ku sheegayaa safaarad.

"Dadku waxa ku baraarugeen in waxa dhacay ay wax ahaayeen habeenkii. Aniga markii la ii soo sheegay in saaxiibkey uu ku dhintay. Waxaa la arkayey dadka oo dhismeyaasha ku qodaya gacmahooda si ay uga soo saaraan meyd ama qof ku jira".

Xukuumadda ayaa Axadii, 13-ka October 2019-ka, laba sano kadib maalintii halaaga, waxay xariga ka jartay xarunta gurmadka degdega iyo Bangiga Dhiiga, talaabadaas oo lasoo dhaweeyay "wallow ay soo daahdey".

"Shacabka waxay ka barteen aad ayey iska ilaaliyaan meelaha zaxmadda badan, waad arkeysaa in weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ku beegsanayaan kontarooladda ciidamada," ayuu hadalkiisa ku daray.

Inkasta oo shaqsiyaad loo maxkamadeeyay, midna dil toogasho loogu xukumay, haddana waxaa aad loo dhaliilayaa in dowladdu aysan wali waxba ka bedelin xeeladeeda dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Marka waxaan leeyahay in ay dowladdu kordhiso gaadiidka gurmadka degdeg ah, kuwa dab-damiska iyo xarun caafimaad oo weyn oo lagula tacaalo bukaanadda," ayuu hoosta ka xariiqay.

Qaar kale waxay is-waydiinayaa goorta ay Al-Shabaab gaari doonto jawaabtii ay dowladdu sheegtay in ay ka bixineyso xasuuqa. Inkasta oo ururka ka gaabsaday in uu sheegto falkaas, haddana mas'uuliyiinta ayaa dusha ka saarey.

"Dhanka amniga dowladda waxaan leeyahay in tabar-daradeeda ha iska yeelatee wax un ha sameyso cid [walba] ha kaashato," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cabdi Salaan Guuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM