CC Shakuur oo Muqdisho ku laabtey xilli Farmaajo Mooshin laga keenay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Isniin ah [10-ka December] dib ugu laabtey Muqdisho, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo taageeriyaashiisa.

Soo laabashada Cabdiraxman ayaa kusoo beegan tahay xilli Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay Mooshin xilka qaadis ah, oo shalay 92 Xildhibaan ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaano ay kamid yihiin Axmed Maclin Fiqi, Faarax C/qaadir iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ugu hortagey Garoonka, kadibna u galbiyay Hoygii uu ka deganaa Muqdisho, oo 17-kii December 2017 lagu weeraray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu Muqdisho ku qabanayo dibadbax uu ku xusayo howl-gal lagu qaaday hoygiisa oo dhacay 17 December ee sannadkii hore 2017-kii, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa.

Siyaasigan ayaa lagu dhaawacay howlgalkan, waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay dhigtay Xabsi uu mudo maalmo ah ku jiray, iyadoo markii dambe lasooo daayay waan-waan ay samaayeen mas'uuliyiin iyo siyaasiyiinta beeshiisa ee ku jira dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo horey usoo noqday Wasiir, sidoo kalena kamid ahaa musharaxiintii tartanka la galay Farmaajo doorashadii Febuary 8, 2017 ayaa aad u dhaliila siyaasadda Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM