Ciidamada DF oo qabsadey deegaan fariisin u ahaa Al-shabaab

Image

March 10, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabsadey fariisin ciidan oo kooxda Al-shabaab ku lahayd tuulada Cali-guduud oo hoos tagta degamda Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Iska hor imaad muddo kooban socdey ayaa lagu soo waramayaa inuu goobta ka dhacay waxaana ku dhintey saddex qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggen waxaana si buuxda deegaankaas xilligan gacanta ugu haya ciidamada dowladda.

Tuulada Cali-guduud waxaa in muddo ah Al-shabaab u taaley bar kantarool oo lacago cashuur ah ay kaga qaadi jireen gaadiidka xammuulka ee u kala gooshaya Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ka socda Midowga Africa ee AMISOM  ayaa Al-shabaab ka saarey in ka badan 80% deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya kaga sugneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM