Ciidamadii Xasilinta oo la kala diray iyo Khilaaf ka taagan qorshaha amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jahwareer ayaa ka taagan qorshaha amniga magaalada Muqdisho xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxda sare ee dowladda Federaalka ay isku khilaafsan yihiin nooca ciidan ee sugi lahaa amniga.

Warar ayaa sheegaya in la kala diray ciidamadii Xasilinta Caasimadda, oo labadii bilood ee lasoo dhaafay sugayay amniga Muqdisho, kuwasoo hoostagi jiray xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre, iyadoo gaar ahaan uu u maamuli jiray Yaxye Cali Ibrahim.

Ciidamadan oo go'doomiyay Muqdisho 2-dii bilood ee ugu dambeeyay, ayaa hadda la geeyay xero ku taalla nawaaxiga Mogadishu stadium, ayaa waxaa lagu bedelay Guutada 14-ka October, oo la sameeyay kadib qaraxii Zoobe 2017.

Ciidamadda Xasilinta Caasimada ayaa markii hore amaanka ay kala wareegeen kuwa NISA iyo Booliska, kuwaasoo la sheegay inay ku fashilmeen inay sugaan amaanka magaalada, waxaana rajo laga qabay in kuwa cusub ay ka fiicnaan doonaan.

Askarta Guutada 14-ka October

Askarta Guutada 14-ka oo saldhigoodu yahay xerada Jeneraal Gordan, oo horey u maamuli jiray Imaaraadka ayaa saaka lagu arkay wadooyinka Caasimadda, gaar ahaan Ex-control Afgooye, Siinka Dheer, Xerada Maslaxa, Galgalato iyo wadooyin kale.

Isbedelkan lagu sameeyay Ciidamada, ayaa yimid kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan tagey Xerada Jeneraal Gordan, halkasoo uu kula kulmay Guutada 14-ka Octoober, oo Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood uu ku maamulayay.

Inkasta oo bishii Ramadaan aysan dhicin wax Qaraxyo ah, oo ay dhacayeen weeraro dhiig badan uu ku daatay, ayaa waxaa tan iyo markii laga baxay bisha Soonka ka dhacay Muqdisho falal lidi ku ah amniga.

Waxaa ugu waa weyn oo tan iyo kadib bisha Ramadaan dhacay Labo weerar oo mid kamid ah ah lagu beegsaday xarunta Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga, halka kan lagu qaaday Kontaroolka Villa Soomaaliya bartamihii bishan.

Weerarkaasi oo qaraxyo iyo mid toos ah isagu jiray ayaa waxay Saraakiisha amniga madaxtooyada sheegeen in lala damacsanaa Kolonyo galbinaysay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xilli uu maalintaasi uu kusii jeeday magaalada Brussels.

Tani ayaa sababtay in amniga Madaxweynaha baqdin xoog leh laga muujiyo, isagoo ka guuray Dhismaha Madaxtooyadda, wuxuuna si KMG ahaan u degay Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Gordan oo howl-maalmeedkiisa uu ku qabsanayo.

Farmaajo ayaa markii uu kasoo laabtay Brussels, faray laamaha ammaanka dowladda Federaalka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda. [Halkan ka akhri War Saxaafadeed].

Tani waxay umuuqataa mid masuuliyiinta dowladda aysan haysan qorshe cad oo leysku raacsan yahay oo lagu adkeynayo amniga caasimadda, oo horey qorshe mira-dhali waayay u dejisay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ma cadda sababtay dhalisay in ciidamadda Xasilinta, NISA iyo Booliska amniga caasimadda loo xil-saari waayo ama laga qaadayo, balse, waxaa jiray mudooyinkii dambe guux ku aadan inuu jiro khilaaf u dhaxeey Farmaajo iyo Khayre oo salka ku hayo amniga.

Shalay oo Isniin ahayd Warsidaha Garowe Online uu baahiyay xog ku saabsan in Wasaaradda amniga ay erisay Askar cusub, kuwaasoo dhawaan loo tababaray NISA, xilli hogaanka hay'addan sirdoonka uu hareeyay khilaaf. [Halkan ka akhri Warka].

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow [Ducaale] ayaa wajahayo culeyso laga cabsi qabo in lagu eryo, inkastoo uu xiriir dhaw la leeyahay Ra'iisul Wasaare Khayre oo lagu dhaliilo inuusan kula xisaabtamin amni xumada ka jirta Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay Orodyahan bilad u soo hooyay Soomaaliya

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan billad ugu guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Cayaaraha Afrika.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 09:42AM