Al-Shabaab oo weerar saf-balaaran leh ka geystay gobolka Bay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar saf-balaaran leh ku ekeeyay fariisimo ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee degaano ka tirsan gobolka Bay.

Goobaha ay maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida weerartay ayaa ku kala yaala magaalooyinka Bardaale, Qansax-dheere iyo Goof-guud, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo degaanka.

Bartilmaameedka Bardaale oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee aan qaybta ka ahayn AMISOM ayaa la sheegayaa in ay iska hor-imaad kula galeyn xubnaha Shabaab meel ku dhow garoonka diyaaradaha.

Ma cadda waxyeeladda illaa iyo haatan ka dhalatay is-rasaaseyntaasi oo lasoo warinayo in ay muddo socotay.

Geesta kale, inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku dhaawacantay markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay duulaan gaadmo ah ku beegsadeen farisiin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Goof-gaduud.

Saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay iska caabiyeen ayaa tibaaxay in ay jug culus gaarsiiyeen wax ay ugu yeereen "cadowga Umadda Soomaaliyeed".

Weerarka lagu qaaday magaalada Qansaxdheere ayaa lagu waramayaa in uusan geysan wax khasaaro ah oo dhinacyadda soo kala gaarey.

Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin howlgalaan ay ka fulisay degaanadaasi hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo aadayaa iyadda oo todobaadkii hore uu madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadda dalka ka maqan uu ic-laamiyey dagaal waji cusub leh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab, amniga iyo furista wadooyinka ay kooxdu go'doomisay ayaa waxay kamid yihiin howlaha horyaala wax ka qabashadooda madaxweyne Lafta Gareen, kuwaasi oo aysan wali muuqan talaabooyin uu ka qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM