​Cirfiid: Turkiga waa Saaxiibka dhabta Soomaaliya [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa bogaadiyay doorka dowladda Turkiga ee dib u dhiska Ciidanka Qaranka.

Cirfiid oo ka hadlayay Munaasabadii lagu daah-furayay Saldhigga Tababarka Turkiga ee Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya uga duwan tahay kuwa kala ee usoo tababaray Ciidamada.

"Dowlado kale ayaa ciidan noo tababaray, kuwaasi oo noo sheegi jiray inaan hub iyo gaadiid u raadsano Ciidanka ay noo soo tababareen, balse Turkiga ciidanka uu hadda tababari doono qalabkooda wuu keenay," ayuu yiri Cirfiid.

Wuxuu xusay Cirfiid in Turkiga si dhabta ah ee uu u taageerayo Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd waxbarashada, ciidamada kala duwan, oo qaarkood uu dalkiisa kusoo tababarao iyo arrimaha samafalka.

Saldhigga Cusub oo ay si wadajir ah maanta u daahfureen Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Jeneraal Hulusi Akar ayaa loogu tala-galay in lagu tababaro 10,000 oo Askari oo ku kamid noqon doona Ciidanka Xoogga dalka.

Dufcadii ugu horeysay oo ka kooban 1,500 oo Askari, oo Saraakiil iyo ku xigeenka ay ku jiraan, ayaa lagu xareeyay saldhiggan, oo ah mid ballaaran, kana kooban qeybaha jiifka, goob tababar iyo keydka hubka.

Saldhigga Dhismihiisa waxuu soo billowday 2015, waxaa ku baxday qiimo lacageed oo gaaraysa 50 Million oo Doolarka Mareykanka, taasi oo ay bixisay dowladda Turkiga.

Furitaanka Saldhiggan oo ah midka ugu weyn Turkiga uu ku leeyahay Africa, ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ka jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Khilaafkan ayaa salka ku haya mowqifkii dhex-dhexaadnimo, ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatey Khilaafka Khaliijka carabta, iyadoo go'aankaasi ay qaadaceen qaar kamid ah maamullada, islamarkaana la saftay Xulufada Sacuudiga.

Maamullada Federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya uu xiriir taariikhii ah kala dhexeeyo Sacuudiga iyo Imaaraadka, islamarkaana wax badan usoo qabtey intii uu dalka burburka ku jiray, sidaasi darteedna aysan dhex-dhexaad ka noqon karin Xiisada kala dhaxeeya Qadar.

Mucaawinooyinka dhinaca dib u dhiska kaabayasha dhaqalaha, Waxbarshada iyo kuwa bini’qadnimo ee Turkigu baxsho ayaa intooda badan ku kooban magalaada Muqdishu.

Turkiga ayaa la saftay Qadar, oo uu ku leeyahay Saldhig Military, iyadoo taageeradiisa Doha ay hoos u dhigtay Xiriirka diblomaasiyadeed, ee kala dhaxeeya dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xiriirka u jaray Qadar 5-tii June, ee sanadkan 2017, kadib markii ku eedeeyeen taageerto Kooxaha Argagaxisada caalamka, iyadoo eedaasi ay iska fogeysay Xukuumadda Doha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM