​Codaynta oo socota iyo 4 murashax oo isugu soo haray doorashada Labada Jago

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka Somalia, ayaa bilaabay codayntooda ku aadan murashaxiinta u taagan xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo kan 2aad ee golaha shacabka, kuwaasoo usoo gudbay wareegga labaad oo ay isugu soo hareen min labo Murashax.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, waxaa isugu soo haray Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey, waxaan jagaadaas ka tanaasushay Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Siciid Xuseen Ciid.

Dhinaca Guddoomiye ku-xigeenka labaad, waxaa ku tartamaya Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana booskaas ka tanaasulay Burhaan Aadan Cumar iyo Cabdiraxmaan Aadan Ibrahim Ibi.

Guddoonka guddiga doorashada Barlamanka Somalia, ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxayna sheegeen in xubnahan yihiin kuwa ugu cod-badnaa.

Doorashada, ayaa ka adag tii shalay dhacday, waxaana aad isugu dhow murashiinta gaar ahaan kuwa hadda isu soo haray, waxaana ilaa hadda la saadaalinayaan inay boosaskan kusoo bixi karaan Mahad Cabdalla Cawad iyo Muudeey, inkastoo loollan hoose la sameeyay mudadii saaladda la jiray oo saadaashu isbadali karto.

Warsidaha GO, ayaa idin lasocodsiin doona natiijada doorashada Barlamanka ee kasocota magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay Orodyahan bilad u soo hooyay Soomaaliya

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan billad ugu guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Cayaaraha Afrika.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 09:42AM