Dad Somali ah oo ku dhintey duqeymaha ka dhacaya dalka Yamen

Image

YAMEN 28 April, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya wadanka Yamen ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Somalida qaxootiga ah ku dhinteen duqeymaha diyaardaha Sucuudiga u gaysanayaan dalkaas.

Qaxootiga Somalida oo markii hore ka cararey dagaalada Cadan ayaa wararku sheegayaan in maalintii Axada 26 April,2015 dib ugu soo noqonayeen magaaladaas markii ay haleeleen duqeymaha diyaaradaha Sucuudiga.

Dadka ku dhintey duqeyntaan oo tiradooda gaareyso 30 qof ayaa waxay u badnaayeen  Dumar, Caruur kuwasoo lagu aasey magaalada Cadan.

Dowlada Somalia ayaan talaabo la taaban karin ka qaadin sidey u caawini laheyd dadkaas qaxootiga ah ee ku dhibaataysan wadanka Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM