Milatariga Soomaaliya: Waxaan dilnay 13 kamid ahaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in 13 kamid ahaa xoogaga Al-Shabaab ay ku dishay howlgal laga sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo fuliyeen ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa ka dhacay degaanka Leego, oo Koonfur Galbeed kaga toosan Muqdisho.

Warbaahinta ciidamadda qalabka sidda ayaa ku warantay in dagaalameyaal kale uu dhaawac kasoo gaarey.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, sarkaal sarre oo ka tirsan ciidamada ku sugan gobolka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid guuleystay, wallow uusan xusin dhankooda waxyeelo jirto.

"Ku talagalkeenu wuxuu ahaa in aan beegsano argagixiada iyo taliyeyaashooda waqtigaasna howlgalka wuxuu ahaa mid degdeg ah oo lagu naafeeyay," ayuu hadalkiisa ku daray Maalin.

Dhaqdhaqaaqa milatari ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamo cusub oo lagu soo tababaray Turkiga ay soo gaareen Muqdisho.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha guud ee ciidamadda Soomaaliya, ayaa u mahadceliyey Turkiga, isagoo sheegay in askarta cusub ay xoojin doonan baacsiga maleeyshiyaadka argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM