Nepal oo xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay Soomaaliya

Image

KATHMANDU, Nepal – Dowladda Nepal ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqdey in ay xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay kusoo rogtay muwaadiniinta dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Shan dal oo lagu sheegay in ay yihiin kuwa uu si daran u sameeyay xanuunka Coronovirus oo kala ah China, South Korea, Japan, Italy iyo Iran ayaa si ku meel gaar ah looga joojiyey fisaha.

Dal-ku-galka waa midka lagu bixiyo garoomada diyaaradaha marka ay ajaaniibta soo caga dhigtaan waddanka.

Sidoo kale, waxay Soomaaliya ku jirtaa liiska wadamada muwaadiniintooda looga baahan yahay in ay fiisaha iska soo horumariyaan kahor inta aysan gudaha ugu gelin ama aysan u soo duulin dalka Nepal.

Dalalka xayiraaddaas qeybta ka ah waxa ku jira; Nigeria, Ghana, Zimbabwe, Swaziland, Cameroon, Liberia, Ethiopia, Iraq, Palestine, Afghanistan, iyo Suuriya. Qaar kamid ah dalalka waxaa ka jirta colaad.

Yogesh Bhattarai, Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska iyo Arrimaha Duulimaadka ee Nepal, ayaa wakaaladda wararka Xinhua wuxuu u sheegay in talaabooyinkaan ay la xiriiraan ka hortaga caabuqa Coronovirus.

"Xayiraadda waxay dhaqan-geli doontaa laga bilaabo todobaadka soo aadan," ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

Safaaradaha Nepal ku leedahay dalalka caalamka ayaa la faray in ay hubiyaan badqabka shaqsiyaadka soo safraya.

Nepal ayaa kamid ah dalalka Koonfurta Asia ee dalxiiska caanka ah, waxaana ay kamid tahay wadamada macaashka faraha badan ka sameeya arrintaas, balse dhaqaalahooda uu saameyn karo cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM