"Daldaloolada ku jiray" khudbadii uu Farmaajo u jeediyey dadweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay khudbadii uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kasoo duubay Madaxtooyadda kana hadlay xaalada dalka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in Farmaajo uu "dhinac maray" qodobo muhiim ah oo looga fadhiyey in uu kusoo hadal qaado hadal-jeedintiisa aadka loo sugayey.

"Shacabka wuxuu maanta filayey in madaxweynuhu ka hadlo xaalada adag ee uu dalku marayo. In uu dadka dejiyo oo cabsida, welwelka iyo jahwareerka uu sababay Karoona Fayris kala hadlo," ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaaciyey arrimaha la filayey in Farmaajo caddeeyo kana mid ah "daldaloolada ku jiray" muuqaalka uu soo duubay.

"[Inuu] la wadaago shacabka sida ay dawladu u wajahayo halista Karoona Fayris, sida ay u yarayn lahayd saamaynta taban ee dhinac dhaqaale, muujiyana dareenkiisa ku aadan dadka fayriska u dhintay iyo kuwa uu xanuunkiisa hayo. Keliya wuxuu madaxweynuhu Karoona ka soo hadal qaaday in uu dabaaldegii ka hor istaagay," ayuu siyaasiga raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu ku daray: "Iyadoo dayac iyo daryeel xumi ba’an laga soo sheegayo Cusbitaaladii, iyadoo dalkii deegaano badan colaado sokeeye ka socdaan ayuu Madaxweynuhu door biday in uu waqtigii is amaanid ku lumiye; dayntii ayaa nala ka cafiyey, musuqmaasuq ayaan la dirirnay, dalkii Alshabaab ayaan ka xoraynay, doorashadii Guddiyo ayaan u xilsaarnay iwm".

"Halista Karoona Fayris, waxaan ka dhicin hoggaan xumida dalka haysata ee Ilaaheey ha inoo yasiro xaalka," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ay qoondeysay shan milyan oo looga jawaabayo dhibaatada soo korortay ee Covid-19, balse waxay si cad u caddeysay in dhaqaalahaas uusan ku filneyn dedaalada socda.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM