Dayax-Madoobaad naadir ah oo laga arkay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dayax madoobaad naadir ah, oo aan horey loo arag islamarkaana lama fillaan ku noqotay khubarrada cilmi-falaga ayaa Caawa ka dhacday Soomaaliya iyo guud ahaan Caalamka.

Saadaashii horey loo bixiyay ayaa noqotay mid run ah, iyadoo dayaxa uu noqday mid guduudan oo leh midabka dhiiga [Blood Moon], waxaana shacabka dunida Muslim-ka ah loo astaagay salaadda Khusuufta.

Waa dayax madoobaadkii ugu mudada dheeraa qarnigan 21-aad, iyadoo uu socday hal saac iyo 43 daqiiqo. Culimada saadaasha ayaa sheegaya in midka xiga uu dhici doono January 21, 2019.

Sida ay sheegtay hay'adda NASA, waxaa dhacaya qarnigan 230 dayax madoobaad, kuwaasi oo 85 kamid ah ay yihiin kuwa si buuxda bisha loo qabanayo.

Dalka Australia, dayaxa ayaa billaabaya inuu midabka dhiiga u ekaado saacaddu markay tahay 4:30am AEST subixii sabtida, iyadoo dayaxa dhamaan wada qarsoomayo inta u dhaxeysa  5:30 and 6:30am.

Dalka Ingiriiska/UK, qeyb kamid ah dayaxa ayaa madoobaanaya marka ay saacadu tahay 8:30pm, iyadoo dhamaan la qabanayo 9:20pm fiidkii.

Bariga Africa, wuxuu billowday dyax madoobaadka 9:30pm habeenimo, waxaana uu guduud noqday 10:30pm, waxaana dalalka ku yaalla gobolkan si fiican looga arkay dayaxa oo markii hore madoobaadey, saacad kadibna midabka dhiiga isku bedelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM