DEG DEG: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Somalia, kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray uu ku qarxay meel ku dhaw Taallada Daljirka Dahsoon, oo ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Somalia.

Goobta uu qaraxa ka dhacaya oo ah meel ciidamada booliska dowladda ku leeyihiin bar-koontarool ayaa waxaa gaarey gaadiidka gurmadka deg deg ah, waxaana la xiray wadada.

Gaari ayaa ku qarxay meel kasoo horjeeda kaalin shidaal, oo kaabiga ku haysa Baar-Shabeelle, oo sidaasi uga fogeyn Aqalka dowladda Hoose ee Xamar xilli ay ciidamda baarayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa saaka, oo dhawaqiisa laga maqlay meelo badan oo kamida Muqdisho.

Fah-faahin kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM