DF oo ciidamo geysay Beledxaawo xili Axmed Madoobe kusii jeedo Dhoobley

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxay ciidamo horleh ka dejisay garoonka diyaaradaha magaaladda Beledxaawo, gobolka Gedo.

Sidda ay wararku sheegayaan ciidamadda oo booliska sidda gaarka ah u tababaran ah waxaa lagu daad-gureeyay diyaarad milatari oo ka qaadey Muqdisho.

Shalay ayay ahayd markii xukuumadda ay ciidamo kale ka dejisay Buur-dhuubo oo isla gobolkaas ka tirsan.

Talaabooyinkaan ayaa kusoo aadaya xili Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland, la sheegay in uu ku wajahan yahay magaaladda Dhoobley oo isla gobolkaas ah.

Jubaland ayaa ciidamadda Villa Soomaaliya geysay gobolka Gedo ku tilmaamtay kuwa hurinaya colaad qabiil, waxayna sheegtay in dowladdu mas'uul ka tahay cawaaqibka yimaada.

Axmed Madoobe ayaa la tilmaamay in uu la kulmi doono saraakiisha ciidamada Jubaland ee ku sugan Dhoobley si uu uga hadlo difaaca maamulka iyo baacsiga argagixisada Al-Shabaab.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay qorsheyneyso maamul sharci darro ah oo ay ka aas-aasto Gedo maadaama uusan xiriir fiican kala dhaxeyn hogaanka rasmiga ah ee Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM