Dowladda Somalia oo Tageero Ciidan Waydiisatey Mareykanka [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Somaaliya ayaa waraaq uu u qorey Dowlada Mareykanka kaga codsadey in tageero ciidan la siiyo kadib markii god laga qado macdanta Yuraaniyumka ( Uranium) qabsadeen kooxaha argagixiso ah. 

Qoraalkaan oo uu baahisay Fox News ayaa lagu sheegey in Wasiirka arimaha dibada Dowlada Somaaliya waraaq uu u qorey safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Somaaliya Stephen Schwartz ku sheegey codsigaan.

Warbaahinta Mareykanka ayaa qoraalkaan baahisay iyadoo safiirka dalka Somaaliya u fadhiya Washington u xaqiijiyey warkaan saxaafada.

Yusuf Garaad ayaa sheegey in kooxaha argagixisada ah damacsan yihiin in macdantaan u diraan dalka Iran isagoo dhinaca kale tibaaxey in Amisom awoke badan laheyn.

Waraaqdaan oo ku taariikheysneyd August 11,2017 lagu sheegey in dowlada Mareykanka laga   Rabo tageero ciidan madaama koox ka tirsan ururka Al shabaab iyo ISIS ku midoobeen iney qabsadeen degaano ka tirsan gobolada dhexe kuwasoo.

Hadalkaan ayaa soo baxaya asbuuc kadib markii Ra'isal wasaraha Somaaliya soo saarey amar ku saabsan in Wararka xasaasiga ah xubno ka tirsan xukuumada u gudbin saxafaada kadib dhacdadii Bariire.

Halkaan ka akhri Warka Fox News ka qortey arinkan 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM