Dhacdooyinkii ugu hadalhaynta badnaa todobaadkan ee Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Isbuucaan magaala madaxda waa ay ku yaraayeen falalka lidiga ku ah amniga, balse taasi badalkeeda dadku ma aysan waynin wax ay ka dhigtaa hadal-haynta koowaad ee qabsatay baraha bulshada.

Labo dhacdo oo hadalhayn badan abuurtay ayaa todobaadkaan laga soo tabiyay magaala madaxda Soomaaliya. Labaduba waxay gaar u ahayd dumarka inkasta mid kamid ah saameyn xanuun badan lahayd.

- Gabar loo maleeyay nin –

Sheekadaan waxay qaas u tahay Fa'isa Dhocob oo la kulantay subaxnimadii Arbacada xili ay kasoo laabatay suuqa oo ay kasoo adeegatay kuna sii jeeday hoygeeda oo ku yaala degmada Boondheere.

Nasiib daro, waqtigaasi ciidamada Booliska oo waday howlgal baaris ah ayay kor-dhacday. "Mooto Bajaaj ayaan watay … Askari ayaa ina joojiyay, isaga oo igu amray in aan furo niqaabka [Indha-shareerka] waana furay," ayay tiri.

Kahor inta aysan war-fidiyeenka hadalkaan siinin waxaa baraha bulshada qabsaday hadal kooban oo ay soo qortay oo ahaa: "Saakay guriga xaajigayga ayaan ka soo toosay, hadana nin baa tahay baa la iila taagan yahay.

Su'aalo ku qotomay shaki aadan in ay rag tahay ama in kale ayaa la waydiiyay. "Gabar ciidanka Booliska tirsan ayaa i baartay … waxay isku dayday in ay dharka iga dhigto, waanse ka diiday.

Dhanka kale, laamaha amaanka ee Soomaaliya ayaa ku doodaya in arrimaha shaki ku dhaliyay ee keenay in ay Faa'isa ku tuhmaan in ay nin tahay ay tahay in ay leedahay "waji rageed iyo shaarib."

Waa markii ugu horeysay oo dhacdo noocaan ah laga soo tabiyo meel kamid ah Soomaaliya inkasta oo horey arkay in la qabtay nin iska soo dhigay dumar oo ay ugu dambeysay magaalada Muqdisho bishii Febraayo.

- Hooyo ku foolatay wado –

Maama Khadra Maxamed Dhicis ayaa ku foolatay dibada isbitaal ku yaala degmada Xamar-jajab ee Muqdisho markii loo diiday in ay ku dhasho gudaha xaruntaasi caafimaad, sida ay soo wariyeen goobjoogayaal.

Balse wasaarada caafimaadka xukuumada federaalka ah oo baaritaan ku sameysay kiiska ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay tani ay keentay markii kalkaalisda ay u sheegtay Khadra in ay la timaado qof wehel u noqda.

"Subaxii ayay timid isbitaalka iyada oo kaligeed ah … waxaa loo sheegay in ay wehel la timaado … intaasi kadib xanuunka ayaa ku batay taasoo keentay in dibada xarunta caafimaad ay ku dhasho," ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaarada oo tilmaamtay in ay aad uga xun-tahay sida ay wax u dhaceen ayaa meesha ka saartay in lacag la waydiiyay dhibanaha.

Caro xoogan ayaa ka dhalatay dhacdadaan xili dadka ka fal-celiyay ay magacyo kale ugu yeereen Isbitaalka. #Fooldiid, #ArxanlaaweHospital iyo kuwa ayay isla dhex-marayeen dadka baraha bulshada adeegsada.

Sida laga soo xigtay warbixinta wasaarada iyo qoraal uu soo saarey maamulka Isbitaalka, waxaa gabi ahaanba shaqadii laga fariisiyay kalkaalisadii xiligaasi shaqada ku qorneed, taasoo aanan wali la helin magaceeda.

Geesta kale, waxaa jirtay dhacdo tan kale oo haweenay ay ku dhashay banaanka xarunta gobolka Banaadir xili saq dhexe ah markii loo diiday in ay ku umusho isbitaal halkaasi ka akdhowaa, sida la sheegay.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dhamaan arrimahaan ay muujinayaan sida ay u hooseyso adeegyada bulshadu uga baahan yihiin dowlada, maadaama ay kamid tahay waajibaadka dastuuriga ah ee saaran xukuumada.

Inta badan goobaha caafimaad ku yaala Muqdisho ayaa ah kuwa si gaar ah loo leeyahay taasoo adkeynaysa in dadwaynuhu helo adeeg caafimaad oo bilaash ah wallow ay yar kooban yihiin Isbitaalada ay dowladu maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM