"Dhibaato" ka dhalan karta bangowga Muqdisho oo lasoo bandhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mahad Maxamed Salaad, mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ka digay dhibaato uu sheegay in ay ka dhalan karto bandowga la geliyey Muqdisho.

Xildhibaan laga soo doorto degaanada Galmudug ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook wuxuu ciwaan uga digay; "Gaajo dadka yaan guryaha lagula xirin ee xal kale hala raadiyo".

"Dad badan oo muruq maal ah ayaa maalin walba u soo xamaalasho taga magaalada Mogadishu, shilimaadka maalintaas ay helaan ayayna ku dabaraan noloshooda iyo mida qoysaskooda," ayuu yiri.

Wallow intii uu ololaha ku jira uu balanqaadey in aysan dhici doonin, dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa sanadihii lasoo dhaafay xanibtay isu socodka magaalada markii ay kordheen qaraxyadda.

"Magaalada Mogadishu muddo sadex sano ah ayay la daalaa dhacaysaa jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, in maanta loogu daro bandow dhinac walba ah waxay halis aan ka yarayn mida cudurka Covid 19 ku keeni kartaa nolosha dadkaan muruq maalka ah!" ayuu raaciyey.

Go'aanka bandowga ayaa yimid markii ay sarre u kacday dadka uu soo ridanayo Coronvirus ee ku dhaqan magaala madaxda waddanka.

"Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa madaxda sare in ay dib ugu laabtaan tilaabooyinka nuucaan oo kale ah, lana helo qaab kale oo badqabka shacabka iyo nolasha dadkeena danyarta ah loo wada ilaalin karo," ayuu Mahad hadalkiisa kusoo gabagabeeyay sharci-dejiyaha.

Bandowga aan lasii shaacin ee la geliyey Muqdisho oo ay wehliyaan amar lagu xirayo masaajida iyo goobaha ganacsiga ayaa si kooban u dhaqan-galay, waxaana lala xiriiriyey ka hortagga faafitaanka Covid-19.

Kiisaska illaa iyo haatan la xaqiijiyey ayaa gaaraya 21 oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo wasiir ka tirsan HirShabelle. Dhammaan dadkii ay la kulmeen waxaa la sheegay in lagu raadjoogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM