Dhibanayaasha qaraxii Zoobe iyo sheekooyinkooda murugada leh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Galab Sabti ah 14-ka October sanadka 2017-ka, waa maalin aanan ka go'aynin quluubta Soomaalida, waana maalintii uu dhacay Qaraxii ugu dhimshada badnaa taariikhda oo ay fuliyaan kooxo argagxiso ah.
 
In ka badan 500 qof ayey dowladda Soomaaliya xaqiijisay inuu dilay weerarkaan is-miidaaminta ahaa, xili ay ku dhawaacmeen ku dhawaad 1,000 ruux xili nolal iyo geeri lagu la'yahay wax ka badan 200 ruux.
 
Bartilmaameedka Qaraxa ayey sheegeen mas’uuliyiinta amaanka inuu ahaa Saldhiga Turkiga ee Muqdisho, xili la tilmaamay in Gaariga qaraxa loo adeegsaday oo loo adeegsaday oo nooca xamuulka uu ka yimid dhinaca Shabeellaha Hoose.
 
Ku dhawaad Labo Baro kontaroolo oo ku kala yaala gudaha iyo duleedka Muqdisho, kuwaasi oo kala ah; Siinka Dheer iyo Ex-konratool Afgooye,  ayaa qaab Damiin ahaan lagu soo dhaafiyey, halka midka Say-biyaano uu si xoog ah kusoo dhaafey.
 
Dadka dhintay waxay u badnaayeen Shacab, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda loo qaadey dalka dibadiisa si wax looga soo qabto xaaladooda caafimaad, xili qaarkood lagu guuleystay, halka qaar kalena wax loogu qaban waayey dalalkii la geeyay.
 
- Wariye qaraxa lagu waayey -
 
Hooyo Jamaad Cabdi Maxmuud waxay dhashay suxufi Cabdullaahi Cusmaan Faarax, kaasi oo markii ugu war-dambeysay ku sugnaa Aaga Zoobe oo ay ka dhacday masiibinada mahadhada ku reebtay.
 
Markii ugu dambeysay ee uu lasoo hadlo waxay ahayd habeenkii Jimcaha, oo uu la seexday wiilal ay saaxiibo ku ahaayeen mihnadda saxaafadda, nasiib daro ma aysan kulmin maalinkii xigtay.
 
Cusmaan ayaa ahaa dhalinyaradda dhowaan kusoo biirtay saxaafadda, isaga oo ka howlgalayey Idaacad ku taala Muqdisho, wuxuuna ka lahaa yididiilo wayn, oo uu rabay inuu meel sarre kaga gaaro.
 
"Wuxuu ahaa wiilkeyga mid wax bartay, oo baari ii ah. Waxa uu iga saacidi jiray bixinta qarashaadka Iskuulka, ALLE ha unaxriisto," ayey tiri Hooyo Jamaad oo si qiiro leh uga hadashay dhimashada wiilkeeda.
 
- Aabo dhintay isaga oo aan dhabta saarin cunugiisa koowaad -

Khadra Carab Cabdi, waa carwamad uu saygii galaaftay weerarkii bahalnimada ahaa ee Zoobe, kaasi oo aanan dhintay isaga oo aanan arkin Ubadkiisii koowaad oo haatan dunida ku nool.

Cabdirashiid Mukhtaar Sheekh, wuxuu ku sugnaa Isgoyska Zoobe markii uu qaraxu dhacayey, isaga oo xiligaasi u tagay goobta si shirkad halkaasi ku taalo uga soo qaato lacag uu Mooto Bajaaj ku iibsado.

Khadra waxay sheegtay in islamarkiiba oo uu dhacay qaraxa ay wacday Telafoonka Cabdirashiid, waxaana loo sheegay inuu ku sugan yahay Isbitaal kamid ah kuwa caasimadda ku yaalo.

Balse, nasiib daro markii ay tageen way waayeen cid Telafoonka ka qabata. Muddo ayey ku raad-joogeen sidii ay ku heli lahaayeen xitaa Raqdiisa si ay u duugtaan, laakiin kuma aysan guulaysan.

Sidaasi si lamid ah, Cabdirashiid nasiib ma uusan uyeelan inuu dhabta saaro, arkana cunugiisa koowaad, maadaama xaaskiisa ay Uurkii koowaad muddo Tobban [10] bilood ah.

Khadra ayaa la su'aalay sidda ay ku qaadatey go'aanka ay uga samirtay Saygeeda, cida soo jeedisay iyo waxay dareentay markii ay qaadanayeen, iyaga oo ku jawaabtey: "Walaahi, inaga ayaan go'aan-sanay. Markii aan meydkiisa raadinaynay, waxaan wadaney sawirkiisa oo aan ku baadi-goobaynay, balse ma arkin xitaa qof aan ku qaladnay.
 
-  Natiijada baarista DF iyo fal-celinta dhibanayasha -
 
Kadib baaritaan muddo qaatay oo ay sameysay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxay kusoo qab-qabatey dad tiradooda lagu sheegay Afar qof, kuwaasi oo mid kamid ah uu ahaa maqane.
 
Xasan Aadan Isaaq, oo natiijadda baarista lagu sheegay inuu lahaa isku dabaridka weerarkaasi ayaa lagu xukumay Dil toogasho, inkasta oo aanan illaa iyo haatan aanan lagu fulin xukunkaasi.
 
Ibraahim Absuge, ayay sheegeen baarayaasha inuu yahay shaqsigii Al-Shabaab u iibiyay baabuurta, waxaana isana ay ku xukuntay Maxkamadda ciidanka Qalabka sidda Dil toogasho.
 
Cabdiwali Axmed Diiriye, oo dacwad oogayaashu sheegeen inuu door wayn ka qaatey weerarkaasi, laguna qabtey Gaari kale oo ku qarxay meel aan ka fogayn isgoyska Zoobe ayey ku xukuntay Maxkamadda saddex-sano.
 
Cabdinaasir Macalin Cabdullaahi, waa Aabaha Cabdullaahi, kaasi oo ahaa Darawalka gaari xamuul ah oo Dekada Muqdisho kasoo bixiyey, wuxuuna kamid ahaa dadkii ku layday masiibadii Zoobe.
 
Cabdinaasir oo wax laga waydiiyay sidii u arko xukunka ay maxkamadku riday ayaa saluugay, isaga oo sheegay in dowladda looga baahan yahay fahfaahin dheeri ah oo ku saabsan Qaraxaasi aadka u cuslaa.
 
"Cidda ka dambeysay iyadda iyo Ilaahey ayaa wada xisaabtami doono, balse waxaan shaagi karaa in loo baahan yahay macluumaad ka baxsan inta ay dowladdu sheegtay," ayuu yiri Aabo Cabdinaasir oo u waramay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da.
 
Qaraxii Zoobe ayaa wixii ka dambeeyay Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr weerar loo adeegsaday gaari walxo qaraxa buuxa laga soo buuxiyey, kuwaasi oo mid kamid ah lagu weeraray Albaabka laga galo Madaxtooyadda halka mid kale lagu beegsaday Dhismaha Wasaarada Amniga, kuwaasi oo tooshka ku ifiyey fashilka amni ee xukuumada Khayre.


FG: Qoraalkaan Waxaan ka sameynay Barnaamijka Galka Baarista Idaacadda VOA-da, madaama 14 October ku beegan tahay markii qaraxa dadka badan ku dhinteen ka dhacey Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM