Dilal iyo dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qof oo shacab ah ayaa maanta oo Sabti ah lagu dilay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamo kawada dowladda Isgoyska Maana-Booliyo.

Wararka aya sheegaya in Askari katirsan ciidamada uu rasaas ku furay Mooto bajaaj, isagoo dilay wadihii/darawalkiisa iyo qof kaloo saarnaa. Falkan ayaa saaka ka dhacay Isgoyska Howlwadaag.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana lagu soo waramayaa in dad ka careysan dilka bajaajlaha ay dibadbax ka dhigeen Suuqa Bakaaraha.

Maalmo kahor ayay ahayd dil sidan oo kale Askari dowladda katirsan ugu geystay wade mooto bajaaj gudaha Muqdisho, iyadoo dilkaasi kadib uu maamulka gobolka Banaadir iyo Taliska booliska ay balan-qaadey in wax ka qabanayaan dhacdooyinka.

Dhanka kale, iska hor-imaad ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu ciidamo boolis iyo militeri ku dhexmaray Isgoyska Maana-Booliyo kaasi oo ay ku dhimatay haweenay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale.

Muqdisho ayaa martigelinaysa dhacdooyin xanuun badan, oo ay kamid yihiin qaraxyo, dilal iyo wado-xarid joogto ah, waxaana arrimaha ay qeyb ka yihiin fashilka qorshaha amni ee dowladda Federaalkaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM