​Diyaaradaha Kenya oo duqayn ka gaystay Gedo Somalia

Image

Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa duqaymo ay sameeyay Shalay ilaa maanta waxay ku beegsadeen xarumo ku yaalla gobolka Gedo gaar ahaa Tuulo-Barwaaqo oo u dhow degmada Beledxaawo.

Maamulka gobolka, ayaa xaqiijiyay duqayntan, waxayna sheegeen inaysan jirin khasaaro ay gaysteen duqaymaha oo midkood lala beegsaday Masjidka Tuulo-Barwaaqo.

Afhayeenka Maamulka Gobbolka Gedo Nuur oo la hadlay VOA, ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay beegsashada goobo aan munaasab ahayn, waxayna tilmaameen in arrintaasi u gudbiyeen maamulka Jubbaland.

Duqaynta Kenya, ayaa timi xilli dowladda Kenya wado weeraro xiriir ah oo ay ku beegsanayso gobolka Gedo kadib wixii kadambeeyay weerarkii lagu laayay ciidamada kusugna Ceelcadde.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM