Qaad badan oo si qarsoodi ah lagu soo geliyey Muqdisho oo la gubay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen Doon la doonayey in si dhuumaaleysi Qaad loogu soo geliyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in Doonta lagu qabtay dekada Ceel-macaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe kahor inta aysan ku fashilmin Cadale iyo Warsheekh.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay hayeen xogta Doontaan isla markaana ay u faarujiyeen marsada Ceel-macaan si ay guuleystaan in ay qabtaan marka lasoo dejiyo maandooriyaha saaran.

"Ciidamada waa laga fogeeyay dekada si marka ay soo dejiyaan loo qabto," ayuu yiri sarkaal magaciisa ka gaabsaday. "Ganacsatadii lahayd way baxsadeen," ayuu raaciyey.

Kadib markii la gubay Qaadka, taliyaha Laanta Canshuuraha ee Booliska Soomaaliyeed, Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa u mahadceliyey askarta fulisay howlgalka.

Ganacsatadda ayuu cod dheer uga digay in ay maalkooda geliyaan Qaadka inta lagu guda jira ololaha lagula dagaalamayo Covid—19.

"Xilliga lagu jira darteeda, ninka Soomaaliga ah ee aan qoriga qaadan ee Al-Shabaab aan la dagaalamin, balse umadda ku dhex-jira ee ku laynaya Qaadka, waa ka daran yahay xabada Al-Shabaab," ayuu raaciyay, isagoo ku adkeystay in ay gacan bir ah ku qabanayaa dadkaas.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaadkaan uu ka yimid dhanka Itoobiya. Balse, saraakiisha way ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mamnuucday in dalka lasoo geliyo Qaadka sababo la xiriira Coronavirus. Itoobiya iyo Kenya waa meelaha ugu badan ee mukhaadaraadkaas uu waddanka kasoo galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM