Doorashada guddoonka barlamanka Jubaland oo la muddeeyey

Image

April 19, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa shaaciyey waqtiga ay dhici doonto doorashada hoggaanka barlamanka dhowaanta lasoo xuley ee Jubaland.

Axmed Madoobe oo shir-jaraa'id ku qabtey madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennadu dhici doonto April 25, 2015.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu sidoo kale sheegay in doorashada lagu casumey wufuud ka socota beesha caalamka, wadamada deriska, Dowladda Federaalka iyo maamullada qaybta ka ah Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, wuxuu dardaaran u jeediyey xildhibaannada dhowaanta la dhaariyey oo tiradoodu tahay 75 mudane, wuxuuna ku boorriyey inay waajibaadka saaran si daacad ah oo mas'uuliyadi ku dheehan tahay u gutaan.

Shaacinta waqtiga la qabanayo doorashada barlamanka Jubaland ayaa kusoo aadeysa xilli muran xooggani ka taagan yahay qaabka lagu qaybsadey xildhibaannada, beelaha qaar ayaa qaadacay xulista barlamanka welina xubnihii meteli lahaa aan keensan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM