​Doorashada Somalia oo mar kale dib u dhacday iyo Jadwal cusub oo soo baxay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa wali magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kasocda shirka madaxda Somalida ee looga hadlayay doorashooyinka Barlamanka iyo madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo bishan aan ku jirno.

Hoogaamiyaasha dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo labadii bari ee lasoo dhaafay ka munaaqishoonayay arrimaha dalka kasocda iyo sidii waqti rasmi ah loogu samayn lahaa doorashada hogaanka sare dhici doonto, ayaa isku waafaqay in Doorashada Madaxweyne ay qabsoonto 28-ka December, xilli markii hore lagu balansanaa 15-ka December oo 7 maalmood oo kaliya ka harsan.

Xildhibaanada Cusub waxaa la dhaarinayaa 15-ka December, waxaana ay doran doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub iyo Ku xigeenadiisa 22-ka December ee sanadkan 2016-ka.

Qoraal hordhac ah oo soo gaaray GO, ayaa lagu muujiyay in si qoto dheer looga hadlay kuraasta Aqalka sare ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, inkastoo aan la sheegin xalku sida uu noqday.

Caasimadaha Maamulada Dalka waxaa ka socdo Doorashada Aqalka Hoose, taasi oo lagu doortay 80% Xildhibaanada maamul kasta u matali doono Baarlamaanka soo socdo ee dalka uu yeelanayo dhawaan.

Khilaafyo iyo is-qab-qabsi dhanka Kuraasta ah ayaa keenay dib u dhaca Waqtiga Doorashada.

Beelaha Somaliland oo Talaadadii Doorashada Aqalka hoose uga billaabatay Muqdishu ayaa doortay 6 kamid ah 46-da Kursi ee laga siiyay Aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana wali aysan dooran sidoo kale kuwa Aqalka Sare.

Waxaa jiro Kuraasta Mamaulada qaar oo laga yaabo in lagu celiyo, sababtoo ah Muran taagan iyo Qoondada Haweenka ee 30%, oo aan lasoo buuxin.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY SHIRKAAS OO UU HELAY WAR-SIDAHA GAROWE ONLINE

Muqdisho 7-8 Diseember 2016 -Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Mudane Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey;

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.

Kulanka Furitaanka:

1. Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.

2. Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating: oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.

3. Dhameysirka geeddi-socodka doorashada

3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:

a. In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.

b. Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.

c. Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.

3.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:

a. In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo

b. In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.

1. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.

4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.

4.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:

a. Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;

b. Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo

c. Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.

5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqaysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

5.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.

1. Baaq iyo Bogaadin

6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.

6.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.

6.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay’adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.

1. Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka

tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dhammaad.....

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM