Doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka dhacaysa Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Somalia - Wasaarada Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Somalia ayaa shaaciyay in bisha July ay qaban doonto Doorasho heer degmo ah, oo shacabka kusoo dooran doonaan maamulka shan degmo.

Marka la gaaro 10-ka July, Shacabka ku nool degmooyinka Baraawe, Ceelbade, Bardaale, Xudur iyo Baydhabo, oo katirsan gobollada Shabeellaha hoose, Bakool iyo Baay waxay dooranayaan Guddoomiyeyaasha degmooyinkaasi iyo ku xigeennada.

Arintan ayaa ka dambaysay markii bishii lasoo dhaafey ee May ay Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ansixiyeen Hindisaha Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ahayd in shacabka ay doortaan hogaankooda.

Musharaxiin badan ayaa isku soo taagey Doorashada Gudoomiyaasha Degmooyinkan, waxaana isha lagu hayaa qaabka ay u dhici doonto codbixinta, maadaama ay jirto cabsi iyo khatar dhanka amaanka ah.

Waa markii ugu horeysay oo Doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo deegaanada Koonfur Galbeed Somalia tan iyo markii la aas-aasey maamulkaasi, oo kamid ah maamullada Federaalka ee dhawaan abuurmay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM