Dowlada Kenya oo sharciga kala noqotey Wiil uu dhaley Fahad Yaasiin Daahir [XOG]

Image

NAIROBI - Dowlada Kenya ayaa bishaan Sep 4,2018 waxaa ay Passport-kii iyo Kaarkii aqoonsiga kala noqotey wiil u dhalay Agaasime ku xigeenka Hay'ada Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasin Daahir oo baaritaano kaga socdaan dalkaas la xiriira sida uu ku qaatey dhalashada wadanka Kenya.

Camaar Fahad Yaasiin oo da'diisu tahay 23 jir ayaa sida warsdaha Garowe online ogaadey waxaa tarxiil lagu keeney magaalada Muqdisho isla-bishaan gudaheeda isagoo garoonka diyaardaha magaalada Muqdisho uu ka soo qaadey nin Kaaliye u ah Agaasime ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya kaasoo magaciisa la yiraahdo Cabdulahi Aadan Kulane ee loo yaqaan Jiis.

Wiilkaan oo jaamacad ka dhigta dalka Cumaan halkaasoo safiir uu ka ahaan jirey Abtigiis Cabdirizaq Taano ayaa 6 September,2018 waxaa Bassaboorka Soomaaliga looga soo qaadey laanta socdaalka xarunteeda Muqdisho.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad xogogaal ah Caamir ayaa magaalada Muqdisho ka dhoofey 8 September isagoo dib ugu noqdey dalka Cumaan halkaasoo uu Jaamacad ka dhigto waxaana uu magaalada Muqdisho ka raacey diyaarada Turkish Airways.

Talaabada dowlada Kenya ay ugala noqotey Basaboorka iyo waraaqda aqoonsiga wiilka uu dhaley Fahad Yaasiin ayaa waxaa cadaadis xoogan ku tahay taliye ku-xigeenka hay'adda NISA oo qoyskiisu dalkaas daganaa in muddo ah hantina ku leh balse hay'adaha sirdoonka Kenya ayaa su'aalo iska waydiiyey sida uu ku qaatey dhalashada wadankaas kadib markii uu xilka sirdoonka Soomaaliya madaxweyne Farmaajo u magacaabey.

Hay'daha sirdoonka dalka Kenya ayaa wel-wel ka qaba saameynta caalmiga ah ay ku yeelan karto dalkooda qof haysta dhalashada wadankooda oo madax u ah hay'ad sirdoon ee dal kale islamrkaana ku lug leh khilaafka dowladaha Khaliijka u dhexeeya.

Fahad Yaasiin oo maalmihii lasoo dhaafey booqasho ku joogey dalka Qadar ayaa sida wararka GO ogaadey halkaas kulamo kula leh hay'adaha sirdoonka dalkaas isaga ka baaqsadey inuu maro dalka Kenya. Hay'ada sirdoonka NISA ayaa ruqsad ku sameyneysa ciidamadii ka tirsanaa iyagoo loo wareejinayo hay'ado kale balse talabadaas ayaa wel-wel wayn ku haysa ciidamadaan kuwasoo u arka in dibada loogu saarayo kooxihii argagixsada ah ee ay dagaalka kula jiraan tan iyo intii ay u shaqeynayeen NISA.

Sababta ugu weyn ee ruqsada ah ayaa dadka aadka uga war-haya howlaha hay'adaan waxay warsidaha GO u sheegeen iney tahay sidii Agaasimey ku xigeenka iyo kooxda ay siyaasada kuwada socdaan u qoran lahaayeen ciidamo iyaga daacad u ah. 

Hay'daha sirdoonka wadamada ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa horey u diidey iney la shaqeeyaan taliyaha cusub iyagoo cabsi ka muujiyey is-waydaarsiga xogta halka dhinaca kale yiraahdaan sarkalkaan wax khibrad ah uma laha howlaha loo igmadey inuu u qabto dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM