Dowladda Federaalka Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo saartay war-saxaafadeed ka dhan ah dhigeeda Kenya.

Bayaanka oo ka yimid Wasaarada Warfaafinta ayaa xukuumadda Nairobi loogu digay "faragelinta siyaasadeed oo ay ku sameyneyso arrimaha waddanka".

Qoraalka ayaa lagu sheegay "in khilaafyadda ka dhaxeeya labada dowladood ay jiraan wadiiqooyin sharci ah oo lagu xalin karo sidda kiiska badda".

Dacwadda badda, sidda ku cad warqadda, "waxay Soomaaliya ku dhegan tahay in loo dhaafo maxkamad oo laga war-sugo go'aankeeda".

Kenya ayaa lagu waaniyey in ciidamadeeda AMISOM "aysan u adeegsan arrimaha siyaasadeed iyo khalkhalgelinta amniga gudaha Soomaaliya".

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxay mar walba raadineysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad kuwada noolaanshiyo," ayuu raaciyey qoraalka.

Ugu dambeyntii, xukuumadda Muqdisho ayaa ku adkeysatay "in aysan aqbali doonin faragelin iyo khalkhal abuuris aanan ku jirin maslaxada gobolka iyo dadka".

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM