Dowladda oo sharaxday xoolihii Somaliland ee lagu xayiray Jidda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in haatan xoolihii ooda laga qaadey, ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sharaxay sababta markabkii xoolaha Somaliland loogu xiray Jidda.

Maamulka Hargeysa oo talaabadaasi eedeeda dusha ka saarey dowladda federaalka ayaa ku tilmaamay "mid qayb ka ah cunaqabateyn dhinac walba leh oo ay kala kulmayaan Madaxtooyadda Qaranka".

Sidda ay wararku sheegayaan, markabkaasi oo sidday 20-kun oo Ari ah kana baxay marsadda Berbera ayaa nan wadan ruqsadda iyo shahaadooyinka muujinaya badqabka xoolahaasi oo ay bixiso xukuumada Muqdisho.

Riyadh iyo Muqdisho ayaa horey isugu raacay in caafimaadka xoolaha ka baxaya dalka ay noqdan kuwa ay dowladdu hubisay, taasi oo qayb ka ahayd is-afgarad xayiraad looga qaaday xoolaha Soomaaliyeed.

Markii xoolaha Soomaaliya caafimaad daro lagu tuhmay taasi oo xayiraadda keentay, Sacuudiga ayaa kusoo rogay 19 shuruudo oo badankooda quseeya caafimaadka iyo arrimo kale oo fahfaahin u baahan.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, shuruudaha waxaa qeyb ka ah in la helo hal Maxjar oo ay kawada baxaan xoolaha Soomaaliya ee tegaya Sacuudiga, ayna hubiso dowladda federaalka ah.

Mahdi Maxamed Guuleed, ku simaha wasiirka koowaad ee Soomaaliya, oo meesha ka saarey in xukuumadiisa ay "siyaasadeyneyso" ganacsiga ayaa tibaaxay in xoolahaasi aysan ka war-hayn dowladda.

"Waxaa dhacday 21-ka bishii July, markab sidday 20-kun neef oo xoolo ahi uu dekadda Jidda ku xirtay. Annugu waxaan ka war-helayn, ka sokow dukmiintiyada kale ee uu sitay oo aanan wax dukmiinti ah ka sidan dowladda federaalka," ayuu Khadar ku sharaxay sababta.

Kadib qoraalo ay diray xukuumada federaalka, Khamiistii ayaa si rasmi ah xoolahaasi ka baxay Somaliland xayiraada looga qaadey, waxaana loo diray dakhaatiir Sacuudiyaan ah oo hubinaya caafimaadkooda.

"Iyagoo tix-raacaya qoraalkii rasmiga ahaa ee dowladda federaalka, waxay dhakhaatiir saareen marakbkii oo hubiya xoolihii caafimaadkooda, kuwa kalena ee ka baxaya Boosaaso iyo Berbera inta Xajka lagu jiro qaabkaasi loola macaamilo iyo dekadaha kalena ay sidoodii ay u socdaan," ayuu daba dhigay.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa raaciyay: "Taasi waxay ku timid Ilaahey fad-ligiisa iyo dedaalka/amarka iyo hogaaminta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo go’aan iyo qaraarna ku qaatey in ganacsiguna aanu marnaba geli karin sida dadka kale u dhigayaan iyo is-dhexgalka bulshaweynta Soomaaliyeed aanu siyaasad galayn".

Sacuudiga ayaa safka hore uga jira suuqyadda caalamka ee loo iib-geeyo xoolaha Soomaaliya, oo wajahaya culeys dhanka caafimaadka taasi oo sabab looga dhigay abaarihii ku dhuftay qeybo kamida dalka.

MUUQAALKA KHADAR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM