Duqa Muqdisho oo ka hadlay wararka sheegaya in xilka laga qaadayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo ifbaxay Todobaadkan warar bulshada ay isla dhexmarayaan, oo ku saabsan in Villa Soomaaliya ay qorsheynayso inay xilka qaadis ku sameyso duqa Muqdisho, Eng Yariisow.

Warkan xilka qaadista Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa waxa uu noqday mid aad loo hadal heyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo isha lagu hayay go'aanka madaxda sare.

Si wax badan uu Warsidaha Garowe Online uga ogaado warkan, waxa uu xiriir la sameeyay duqa Muqdisho, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow], oo arrimaha taagan su'aallo ka waydiiyay.

Mar aan wax ka waydiinay Eng Yariisow waxa ka jira wararka sheegaya in xil ka qaadis la damacsan yahay in lagu sameeyo, isagoo ku jawaabay in arintaasi uusan waxba kala socon, balse diyaar u yahay hadii uu Madaxweynaha u garto.

"Wax aan ogahay ma jiraan Saaxib, oo awalba wareegto baan ku imid, haddii Madaxweynaha gartana, diyaar baan u ahay inaan aqbalo, oo xilku waa meerto," ayuu yiri Mudane Eng Yariisow.

Eng Yariisow oo xilkan loo magacaabay January 2018, ayaa ah duqii 2aad oo Caasimadda loo magacaabo mudo 2 sano ka yar tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo Xafiiska la doortey February 2017.

Dhanka kale, warar hoose oo Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegay inuu socdo qorshe ka socda Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre, oo ku aadan xilka qaadis lagu sameyn rabo wasiiro mug leh.

Wasiiradda lala damacsan yahay xilka qaadista, ayaa waxay kamid yihiin qeybaha "A iyo B" ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo qaar kamid ah mudo yar xilalka hayay.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa sameeyay xilka qaadista badan mudadii ay xafiiska joogeen, taasii la sheegay inay u sameeyeen si ay xal ugu helaan, islamarkaana u daboolaan dal-daloolyada jira, ee lagu eedeynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM