Eritrea oo danaynaysa martigelinta wadahadalka DF iyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Eritrea ayaa noqotay wadankii ugu dambeeyay ee muujiya in uu door ka qaadanayo wadahadalada dowlada dhexe iyo Somaliland, sida ay xaqiijisay xukuumada Federaalka.

Wadaxaajoodka Muqdisho iyo Hargeysa oo hakad ku jira tan iyo 2014-kii ayaa dib u bilaabidooda waxay kamid tahay ajendayaasha ugu waawayn ee maamulka Farmaajo, balse ay muuqato in uu gaabis ku yimid.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shaaciyey in doorka Asmara ku yeelaneyso wadahadalada ay kaliya ku kooban tahay "isu soo dhaweyn labada dhinac".

"Dal walba oo doonaya in uu na dhex-dhaxaadiyo inaga iyo Somaliland, kaliya waxa uu doorkiisu noqonayaa isu soo dhaweyn, ma jiraan ajendayaal daahsoon oo ay fushanayaan," ayuu Mahdi u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Kaliya ma ahan Eritrea wadamada xiiseynaya arrintaan, waxaa safka hore uga jira; Turkiga, Midowga Yurub, Mareykanka, Jabuuti iyo Itoobiya, inkastoo ay ku kala duwan yihiin danahooda.

Tusaale ahaan, Turkiga, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay martigeliyaan wadahadalka, halka wadamada kale ay rabaan in lagu qabto dalalka ay saaxiibada la yihiin.

Xeel-dheerayaasha ayaa aaminsan in sababta ay Eritrea u daneyneyso wadahadalka dowlada iyo maamulka Somaliland ay tahay si ay dib ugu soo ceshato maqaamkeeda diblumaasiyadeed oo hoos u dhac uu ku yimid markii lagu eedeeyay faragelinta Soomaaliya.

Bishii March ayay ahayd markii wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea uu socdaal ku tegay caasimada Somaliland, halkaasi oo uu kula kulmay mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Bishii April, Cismaan Saalax, ayaa kasoo degay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo warbixin ku saabsan safarkiisa Hargeysa siiyey madaxweyne Farmaajo, sida ay madaxtooyadu sheegtay.

Mahdi oo aan qoto dheer uga warbixin arrimaha uu Cismaan u fahfaahiyey Farmaajo ayaa daboolka ka qaaday in dulucdu ahayd in laga wadashaqeeyo nabada, is-dhexgalka iyo horumarka gobolka.

Bartamihii bishii April, madaxweyne Farmaajo ayaa socdaal aan la shaacin waxa uu ku bixiyey Eritrea, isaga oo la kulmay madaxweyne Isias Afwerki oo ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dib u soo celiyay cilaaqaadkooda sanadkii hore kadib sanado uu xumaa, taasi oo ay ka dambeysay markii ay Muqdisho ku eedeysay Asmara in ay taageero Al-Shabaab, wallow ay iska fogeysay.

Talaabadaasi ay Soomaaliya qaaday ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixaysay Itoobiya oo xiligaasi colaad ay kala dhaxeysay Eritrea oo ay xitaa sabab u ahayd in la saaro xayiraada dhaqaalaha ee uu UN-ka kusoo rogay.

Kadib markii uu xafiiska yimid, Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, bog cusub ayaa u furmay xiriirka Eritrea iyo Itoobiya, kuwaasi oo safaaradaha dib u furay, isla markaana cilaaqaadka diblumaasiyadeed dib u howl-geliyay.

Taasi oo Eritrea dib ugu soo celisay saaxada siyaasada caalamka ayaa keentay in madaxweyne Farmaajo tago Asmara, Qaramada Midoobay ay cunaqabeynta ka qaado iyo is-dhexgalka gobolka oo ay xubin fir-fircoon ka noqotay.

Dowlada Jabuuti oo la sheegay in ay aad uga xumaatay gacanta dabacsan oo maamulka Farmaajo u fidiyey Eritrea ayaa dib ugu yeertay safiirkeeda, wallow kolkii dambe uu dib ugu soo laabtay Muqdisho, lana qaboojiyey xiisada.

Eritrea ayaa muran dhanka sohdinta ah waxa uu kala dhaxeeya Jabuuti oo ay derisyihiin, xili dagaalo qaraar oo dhex-maray ay ku dhinteen tobanaan askar, qaarna ay iska kala qafaasheen.

Aragti ahaan in dib loo bilaabo wadahadalka Muqdisho iyo Hargeysa ayaa la rumeysan yahay in la isla qaatay, balse ay dood ka taagan tahay goobta lagu qabanayo, iyada ay danaynayaa wadamada; Turkiga, Sweden iyo Jabuuti.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in uu guuldareystay isku day la doonayey in wadahadalka uu ka qabsoomo Jabuuti, inkasta oo uusan sababta daba dhigay.

Illo wareedyo dhanka diblumaasiyada ayaa sheegaya in Eritrea ay xusul-duub ugu jirto in ay martigeliso kulanka, taasi oo indhaha caalamka u soo jiideysa.

"Midowga Yurub ma doonayo in Turkiga martigeliyo wadahadalka, Itoobiyana Soomaalida xasaasiyad ayey ka qabanaan, xalka furan waa Jabuuti, Eritrea ama dal kale," ayuu yiri mas'uul ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay dalka Soomaaliya intiisa kale tan iyo 1991-dii ayaa ku hun-goobowday in helaan ugu yaraan xitaa hal dowladood oo dal ahaan u aqoonsada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM