Eryidii Khayre: Farmaajo oo bishii 1aad ku sagootiyey naqdinta baaqyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hal bilood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegatay markii qaab muran sababay uu Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ku eryay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Bishii hore ee July 25-keeda ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu kalsoonida kala laabtey Khayre oo saacado kadib sheegay in uu is-casilay, isagoo go'aanka golahaas ku tilmaamay "mid sharciga aan waafaqsaneyn".

Fadhigii lagu riday wasiirkii koowaad ee laanta fulinta ma uusan ahayn ajendaha ceyrinta ra'iisul wasaaraha; ka doodida arrimaha doorashooyinka ayuu ahaa, iyaddoo gudoonka uu si hoose u watay shirqoolkaas.

Hase ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in ay coddeeyeen Xildhibaaanda mucaaradka iyo qaar kale oo qudhooda kamid ahaa xukuumadii dhacdey, balse si aan sharci ahayn kusii shaqeyneysa markii madaxweynuhu si ku meelgaar ah uu ra'iisul wasaare uga dhigay ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Hadii ay daacad ka tahay qaylo-dhaanta qaarkood sameeyeen kadib kulanka, fursadii maalintaas ay lumiyeen waxay ahayd in ay diidaan riditaanka xukuumada si waddanka uga badbaadiyaan jahwareer siyaasadeed.

Riditaanka Khayre oo dhabaha u xaartey qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur oo dalku galay ayaa timid maalmo kadib markii madaxda dowlada iyo maamulada ay Dhuusamareeb ku gaareen heshiis ku aadan doorashadda.

Qaar kamid ah maamulada, xisbiyada iyo siyaasiyiinta ay ceyrinta Khayre ku qeexeen mid lagu burburinayo geedi u socodka heshiiska mideysan looga gaarayo nooca doorashooyinka nagu soo fool leh ee 2020-21.

Madaxdii ka horeysay Farmaajo waxay ra'iisul wasaaraha kusoo magacaabi jireen 30-casho gudaheeda taasoo idlaatay, mana la ogga qorshaha uu damacsan yahay, oo aan ka ahayn warar xusaya in uu muddo kororsi ku rabo.

Warbixino aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in Villa Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay in ay xilka ra'iisul wasaaraha u gacan-geliso mucaaradka si ay hesho dheereysi; balse mucaaradka wuu naqdiyey.

Beesha Caalamka oo cambaareysay ridistii Khayre ayaa caddeysay in ay dharbaaxo ku tahay fulinta heshiisyadda siyaasadeed, howlgalada ammaanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo barnaamijka deyn-cafinta.

Farmaajo ayaa bishii koowaad ee kasoo wareegatay riditaankii Khayre ku dhameystay ka dhego-fureysashada baaqyada magacaabida ra'iisul wasaare kahor inta aan heshiis siyaasadeed laga gaarin coddeynta soo aadan.

Dhismaha xukuumad rasmiya ayaa la aaminsan yahay in ay bud-dhig u tahay heshiis walba oo laga gaarayo coddeynta in ay goobjoog ka ahaato isla markaana fulinteeda ay hogaamiso maadaama waajibaadkeedu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM