Fahad oo la kulmay Warbaahinta xili uu walaac ka jiro doorashada 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin ayaa habeenkii Talaada ee todobaadkii tagey kulan gaar ah kula qaatey Madaxtooyadda agaasimayaasha iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa-banaan.

Kulankan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa qaar kamid ah tifaftireyaashii ka qeybgalay waxay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Fahad Yaasiin uu ku siiyay warbaahinta amar ah inaysan tebin wararka mucaaradka dowladda.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sida aan xogta ku helayno soo qaban-qaabiyay kulanka, isagoo u sheegay madaxda warbaahinta inay la kulmayaan Wasiirka Warfaafinta, balse markii ay tageen Villa Soomaaliya uu soo hor-fariistay Fahad Yaasiin.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in agaasimayaasha warbaahinta madaxa banaan iyo tifaftireyaasha laga qaadey qalabka wax-duuba, sida Kaamirooyinka, Taleefonada iyo saacadaha gacanta lagu xirto kahor inta aan loo geynin Fahad Yaasiin, oo meel hool ah ku sugayay.

“Taleefannadeennii gacanta iyo kaamirooyinka ayaa nalaga soo uruuriyay ka hor inta aan nala geynin meel hool ah oo aan kula kulanay Fahad Yaasiin, madaxa NISA. Waxaa naloo sheegay in wada hadalada ay noqon doonaan kuwa aan la duubin," ayuu yiri mid ka mid ah agaasime warbaahin oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababa la xiriira nabadgeliyadiisa.

Kooxaha u dhaq-dhaqaaqa arrimaha saxaafadda dalka ayaa ku tilmaamay arintan tallaabo cusub oo looga dan leeyahay in lagu aamusiyo warbaahinta xorta ah kahor doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacaan dhamaadka 2020 iyo billowga 2021.

Fahad Yaasiin oo awood badan ku dhex leh dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay in kooxda warbaahinta ka socotay ee uu la kulmay ku wargaliyay inay yareeyaan wararka siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi wel-wel ka qaba qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah 2020-2021.

“Wuxuu noo sheegay Fahad in warbaahinta madaxa-banaan looga baahan yahay inay la shaqeyso dowladda, oo aysan tebin wararka dhinac mucaaradka, ma jirin qof su’aal waydiin karay ama diidi karay hadalkiisa” ayuu yiri titaafire kulanka ka qeybgalay.

Qodobada kale ee uu Fahad Yaasiin kala hadlay wakiilada warbaahinta ayaa ah inaan laga hadlin wararka isla-xisaabtanka dowladda ku saabsan iyo amaanka, sida uu Garowe Online u sheegeen illo ku dhow Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa dhacay maalmo kadib markii jirdilo iyo qalab ka qaadis lagu sameeyay wariyeyaal u sheegay Al-Jazeera iyo Reuters xili ay kasoo laabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasi oo ay kasoo duubeen gargaar bini’aadanimo oo dowladda Qatar usoo dirtay Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa ah wariye hore oo mar lasoo shaqeeyay Al-Jazeera Arabic, waxaana lagu tilmaamaa shaqsi aad ugu dhaw dowladda Qatar, oo kamid ah dalalka galaan-gal siyaasadeed ku leh Soomaaliya.

Villa Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin kulanka madaxa NISA iyo warbaahinta.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan oo suxufi uu ka howlgalo caalamka, waxaana lagu caburiyaa islamarkaana si joogto ah loogu xad-gudbaa wariyeyaasha u shaqeeya warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM