Fahad Yasiin iyo kaalintiisa xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya [XOG]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa meeshii ugu hooseysay garey xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, markii xukuumadda Nairobi ay u yeeratay sabtidii safiirkeeda u jooga Muqdisho, isla markaasna ay eriday danrijihii Soomaaliya.

Xiisada ayaa salka ku haysa muran badeed, si gaar ah goobta ay ku doodsan yihiin labada dowladood, taasi oo dacwadeeda ay taalo maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ, taasi oo xukun laga sugayo.

Kenya ayaa ku doodeysa in shirkii ay DFS dhowaan ay ku qabatay London, caasimada UK, ay ku xaraashtay shidaal ku jira goobta ay ku muransan yihiin, taasi oo "meel ka dhac ku ah shuruucda dunida".

Hasa yeeshee, xukuumada Muqdisho oo kasoo jawaabtay hadalada kasoo yeeray dhigeeda ayaa garabka ku dhuftay dhamaan eedaymahaasi, oo ay ku tilmaamtay kuwa aanan ku saleysneen xaqiiqada.

XFS ayaa ku adkeysaneysa in ay iyadu leedahay qariirada lagu soo bandhigay shirkii London, waxayna ku tartarsiisay Kenya in aanu kahorudhicin go’aanka maxkamada ICJ oo ay rajo ka muujisay in cadaalad noqdo.

Khilaafkaan soo cusboonaaday oo noqonaya midkii ugu dambeeyay ayaa imaanaya iyada oo labada dal ay ku kala aragti duwanaayeen madaxtinimada Axmed Madoobe, hogaamiyaha Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jirta in ay meesha ka saarto Madoobe, doorashada qabsomeysa Agoosto, inkasta oo Nairobi ay dooneyso in uu soo laabto, maadaama ay xulufo dhow yihiin.

Farmaajo ayaa horaantii sanadkii hore ka diiday Uhuru Kenyatta dalab ah in uu Madoobe baaqi kusii ahaado jagada, isaga oo ku waaniyay in ay la yimaadaan musharax kale si ay ugu bedalaan.

Cilaaqaadka labada dowladood ayaa sii xumaaday markii laamaha amaanka ee Kenya ay bilaabeen baaris ka dhan ah Fahad Yaasiin, agaasimaha sirdoonnka Soomaaliya, kaasi oo xulufo dhow la ah Madaxwayne Farmaajo.

Fahad, wariye hore oo isku bedalay sirdoon, kaasi oo sahan ku aadan gobolka u ahaa Qadar oo ay xayiraad dhulka iyo cirka ay 2017-kii kusoo rogeen dalalka Khaliij ayaa saameyn ku leh go’aanada dowlada Farmaajo.

Warar xog ogaal ah oo uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in kulamo uu gar-wadeen ka ahaa Fahad Yasiin oo ka qabsomay Nairobi lagu dhex-dhexaadinayey madaxda dowlada iyo Axmed Madoobe.

Waanwaanta ayaa ka dambeysay markii ay dowladdu ku guuldareystay in ay Kenya ku qanciso in meesha laga saaro Madoobe, kaasi oo Nairobi ay door wayn ku lahayd guushii 2013-kii.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelatay doorashadii Koonfur Galbeed iyada oo dhulka la jartay Shariif Xasan, balse waxay ku fashilantay in ay gacma gacmeysa cod-bixintii Puntland oo uu kusoo baxay Deni.

Waxa ugu badan oo ay raadinayaan madaxda dowlada dhexe ayaa ah in ay helaan hogaamiyaal u jooga dowlad goboleedyada oo ay isku feker yihiin, iyaga oo haatan gacanta ku haysta HirShabelle iyo Koonfur Galbeed

Jubbaland calaamad su’aal ayaa dul-saaran, Puntland iskaba daa, halka Galmudug ay labo u kala qaybisay.

Sikastaba ha ahaatee, xaalka ayaa iminka u muuqda mid aanu waxba kala caddeyn, waxaana arrimahaan oo dhan ay kusoo aadayaa iyada oo mudada xileedka madaxda haatan joogta ay ka harsan tahay labo sano oo qura.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM