Fahfaahinta kulamo dhexmaray Farmaajo iyo Shakuur oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa shaaciyey in uu laba jeer la kulmay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda uu ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka Dalsan, labadaas kulan waxay dhaceen markii la doortay Farmaajo gaar ahaan gudaha bishii Febraayo.

Warsame oo sheegay in labada jeer uu Farmaajo isaga u yeeray ayaa tibaaxay in is-aragii koowaad uu ka dhacay Jazeera Hotel isla markaana uu siiyey talooyin.

"Waxaan ku iri madaxweyne dadka Soomaaliyeed aad ayay u dabaaldageen aad ayay kusoo dhaweeyeen; doorashadaada waxay abuurtay rajo ka weyn tabartaada ama dowlada Soomaaliyeed tabarteeda waxa ugu weyn oo aan kugu talinayo waxay tahay in aad hoos u dhigto filashada dadka ay qabaan. Wuxuu i waydiiyey 'sideen uga dhigaan'. Waxaa ku iri dadka la hadal uga mahadceliya soo dhaweynta waxaadna u sheegtaa filashada ay qabaan oo ah in aad xalineyso mushkiladaha dalka yaalo iyo awooda dowladnimada Soomaaliya taalo in aysan isku dhigmin marka waxaad sharaxdaa in caqabadaha dalka yaalo xooga inta ay la eg-yihiin iyo tabarta dowladda inta ay la eg-tahay u sharax in aad dedaaleyso inta aan qaban karto u sheeg dadka si ay u dhimaan rajada iyo filashada ay qabaan taas ma yeelinee diyaaradihii waxaa lasii kiciyey rajada," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay qiraalkiisa, kulankii labaad wuxuu qabsoomay maalmihii uu Farmaajo goobayey ra'iisul wasaarihiisa cusub ee la shaqeyn doona.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo ku adkeystay in uusan gudbin dalabka kulanka ayaa carabka ku dhuftay in shaqsiyaad ku dhow madaxweynaha u arkeyeen isaga "mid u qalma kana soo bixi kara jagadaas".

"Waxaan ka badneyn 30 daqiiqo ayaan sheekeysanay horeyna waan isku naqaanay iskuma aanan cusbeyn. Marka madaxweynaha wuxuu ii sheegay in ra'iisul wasaaraha wax calaf ah tahay. Waxyaabaha uu ii sheegay waxaa kamid ah oo calafka ah in isaga naftiisa uusan fileyn in la dooran doono oo uu isku haleynaayey kaliya 30 Xildhibaano codadkooda," ayuu tilmaamay.

Marka laga soo tago sheegashada Cabdiraxmaan, ma jiraan illo madax-banaan iyo xaqiijin rasmi ah oo dhanka Madaxtooyadda laga hayo illa haatan.

Sikastaba, Farmaajo iyo Warsame ayaa kamid ahaa Iskaashigii Murashaxiinta Doorashadii 2016-kii kuwaasoo isku baheystay in ay bedelaan madaxweynihii waqtigaa Xasan Sheekh Maxamuud oo hada u sharaxan isla kursigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM