Farmaajo iyo Khayre oo hadalo is-burinaya ka yiri xakameynta Covid-19

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa hadalo is-burinaya waxay kasoo saareen ololaha xakameynta faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona.

Farmaajo ayaa yiri "dowladdu waxba ma qaban karto" taas bedelkeeda, shacabka ayuu ku booriyey in ay raacaan tilmaamaha iyo taloooyinka xirfadlayaasha caafimaadka ee caabuqa.

Hase ahaatee, Khayre ayaa wuxuu ka dhawaajiyey "xarummo caafimaad oo hor leh ayaan furaynaa, agab caafimaad ayaan soo iibsanaynaa, adduunka ayaan dhaqaale warsanaynaa".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo ka dareen celiyey is-burintaas, ayaa dhaleeceeyayay. Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu kaga hadlay.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Madaxweynihii dalka wuxuu ina yiri dowladdu waxba ma qaban karto, halka uu Raysalwasaarihiisii na leeyahay xarummo caafimaad oo hor leh ayaan furaynaa, agab caafimaad ayaan soo iibsanaynaa, adduunka ayaan dhaqaale warsanaynaa.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka wuxuu leeyahay mashiin ayaan Digfeer ka soo raray, oo maxaa keenay in mashiinka Digfeer laga soo xamaalo?

Haddii sida la sheegay xildhibaan jirran , Allaha caafiyee, oo isbitaal kale yaalla loo qaaday maxaa xildhibaanka Digfeer loo gayn waayey? Digfeer ma xiran yahay? Haddii jawaabtu haa tahay, maxaa xiligii loogu baahida badnaa loo xiray? Sow tan RW leeyahay xarumo cusub oo hor leh ayaan furaynaa.

Mise Mashiinku meel kale ayaa laga keenay? mise bukaan ayaa shaqo loogu hayey? Haddii aan shaqo lagu haynin waa gaboodfal, haddiise iyadoo shaqo lagu hayo la soo qaaday waa takrifal.

In hoggaanka dalka iyo dadka talada hayo la dhagaysto, la aamino guud ahaan, gaar ahaan xilliga dhibka iyo culaysku jiro waa lagama maarmaan. Waxaase muhiim ah in ay iyaguna ogaadaan, waxa la aaminayo shakhsiyaad maaha ee waa hay’ado dowladeed (Institutions).

Shacabku wuxuu aaminayaa hoggaanka dalka, kuna kalsoonaan karaa hay’adaha dawlada markii uu ogyahay in Hoggaanka iyo Hay’adaha ay yihiin kuwo lala xisaabtamo, la korjoogteeyo, daalacnaan iyo daahfurnaan leh, dabagalna lagu hayo.

Halkaas ayaa aaminada iyo kalsoonida muwaadinka ka abuurantaa.

Haddiise Baarlamaankii korjoogtaynta iyo isla xisaabtanka lahaa la nuxuusiyey, garsoorkiina la nuxur tiray, warbaahintiina loo hanjabay, mucaaradkiina cay iyo CBB laga adeejiyey, ka dibna lala soo istaago kaligeey I aamin, dowladdiina ku kalsoonaada, wanaag iyo kheyr anaga ayaa idiin og, suuragal maaha.

In la iska yeelyeelo ama la soo koobiyeeyo farriin gudbinta hoggaamiyayaal, ama la jilo ficilada hay’adaha dowlado dalal kale, waxaa ka habboon in la eego sababta keentay in shacabku aamino madaxda dalalka la iska yeelyeelayo, kuna kalsoonado hay’adahah dowladeed (State institutions) ee ficiladooda la dhaajinayo.


Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 80 kiis oo cudurka Covid-19 ah, kuwaas oo 73 kamid ah laga soo wariyey Muqdisho, laba xarunta ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo iyo saddex xaaladood oo Somaliland ah.

Related Articles

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay Orodyahan bilad u soo hooyay Soomaaliya

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan billad ugu guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Cayaaraha Afrika.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 09:42AM