Farmaajo iyo Khayre oo wajahaya "caqabadihii ugu waynaa noloshooda"

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska Daily Nation ee waddanka Kenya ayaa soo bandhigay wax uu ku sheegay "caqabadihii ugu weynaa noloshooda" oo ay wajahayaan labadda mas'uul ee ugu sareysa Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madax xanuunkan uu lasoo darsay kahor doorashadda lagu waddo in ay qabsoonta sanadka 2020-21.

Sidda ku xusan warbixinta, caqabadda ugu weyn ayaa waxay tahay xaqiijinta in coddeynta ay waqtigeeda ku dhacdo.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, musuqmaasuqa iyo xasilinta nidaamka maliyadeed ee dalka ayaa ku jira.

Xisbiyadda mucaaradka oo ay hormuud u yihiin madaxweyneyaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka digay muddo ku darsi ay sameyso xukuumaddan.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin ayaa iyaga oo ka wakiil ah waxay dhowaan la fariisteen, iyaga oo ka dhawaajiyey in ay isla meeldhigeen in coddeynta ay xilligeeda qabsoonto.

Beesha Caalamka gaar ahaan daneeyeyaasha Soomaaliya ee mashaariicda badan ku maalgeliya ayaa hoosta ka xariiqay in siyaasiyiinta looga baahan yahay in aysan khatar gelin geedi u socodka doorashada.

Jaraa'idka ayaa kasoo xigtay illo uusan magacaabin in Farmaajo uu doonayo in uu kusoo laabto doorashadda si uu u noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee muddo kadib lagu doorto doorasho qof iyo cod ah.

Walaaca xisbiyadda mucaaradka ayaa ah in Farmaajo ku guuldareystay la macaamilka maamuladda taasoo Al-Shabaab u ogolaatay in ay dib isu soo abaabulaan iyo xaaladda bini'aadanimada oo adkaatay.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in madaxda dowladda federaalka looga baahan yahay in ay miiska wada hadalkan la fariistaan Puntland iyo Jubaland kahor doorashadda si loo xaqiijiyo wada ogolaanshiyaha.

Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyaa "federaal diidnimo" isla markaana caburiso maamuladda ka aragtida duwan.

Soomaaliya oo colaado kasoo kabaneysa ayaa meelaha aadka loogu ammaano waxaa kamid ah in doorashadda aysan waqtigeeda ka dib dhicin, waxaana madaxda taladda haysa laga filayaa in ay dhowraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM