Farmaajo oo amar siiyay laamaha amniga kadib dilka Xildhibaan Boqorre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil ay rag hubeysan ugu geysteen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre galabnimdii Sabtida ahayd degmada Kaaraan oo dhacda waqoyga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dableyda ay rasaas hubisay gaari nooca raaxada ah oo uu watay marxmuumka, iyaga oo falka ka dib ka cararay meesha ay wax ka dhaceen.

Al-Shabaab, xoogaga cilaaqaadka la leh urur waynaha Al-Qaacida, ayaa dusha saartay mas'uuliyada dhacdada lagu khaarijiyey sharcidejiyaha, sida ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan.

– Tacsi laga diray geerida Xildhibaanka –

Madaxda ugu sareysa dowlada federalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay u direen qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka tegay ex-Xildhibaan, kaasi oo la filayo in aas qaran loo sameeyo.

Madaxwaynaha dalka, Ra’iisul Wasaare Khayre, gudoonka Gollaha Shacabka, gudoomiyaha maxkamada sare iyo Xildhibaano ay saaxiibo ahaayeen ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Boqorre.

Farmaajo oo dalka ka maqan kuna sugan Masar halkaasi oo uu shir uga qaybgalayo ayaa faray laamaha amaanka in ay baaris dhab ah ku sameeyaan dilkaan, si cadaalada ay u wajahdo cida fulisay, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

–Kumuu ahaa Boqorre? –

Waxa uu ahaa sharcidejiyaha ugu da’da wayn Baarlamaanka haatan jira ee Soomaaliya, oo uu kasoo galay goboladda Waqooyi ee Somaliland.

Si lamid ah, waxa uu ahaa xubin waayo arag ah oo ka tirsan Guddiga difaaca Gollaha Shacabka.

Dabayaaqada sanadkii 2016-kii, waxa uu noqday gudoomiyaha KMG ee labada Aqal, kahor inta aan la dooran gudoonka rasmiga ah.

Intii ay jirtay xukuumadii madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf ayuu mar noqday Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Darajada Gaashaanle ayuu ka gaarey xirfadiisa ciidanimo, isaga oo ka qaybgalay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia sanadkii 1964, markaasi oo uu dhaawacmay.

Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka [UPD] ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, madaxwaynihii 8aad ee dalka ayuu si lamid ah Marxuumku xubin ka ahaa.

Wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Khadar ayaa, sida aabihiisa oo kale, dabley hubeysan waxay ku dishay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho sanadku markuu ahaa 2005-tii.

Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ee la khaarijiyo sanadkaan 2019, iyada oo ay xeel-dheerayaashu sheegayaan in tani ay muujineyso in uu liito amniga magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM