Farmaajo oo ka hadlay Dhiibista Qalbi-dhagax iyo arrimo kale [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka jawaabay su’aalo barta Facebook ee BBC-da ay ka weydiiyeen shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo taabanayay xaaladda dalka ee siyaasadda, Amniga, dagaalka Al Shabaab iyo waxa uu kala socdo dhiibistii Cabdikariim Qalbi Dhagax.

 Wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland 

Dhagayste kasoo hadlayay magaalada Boorama ayaa Madaxweynaha Soomaaliya weydiiyay su’aal u dhacaysay; Maxaa idiin ka qorshaysan wada-hadalka Somaliland, macquulse ma tahay inaad dalka ku heshiisaan.? Ayuu Madaxweyne Farmaajo uga jawaabay in maslaxadda shacabka ay ku jirto in la heshiiyo, isagoo tusaale u soo qaatay in dhalinyaro badan ku dhimanayaan badaha, taasina ka dhalatay buholyoow ay isu qabaan bulshada Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay yihiin dad walaalo ah dan badanna isaga xirantahay.

“Dhakhso ayaan u bilaabaynaa wada-hadalkeen anagoo ay naga tahay daacad, Runtii kala maqnaanshaheenu wuxuu noo yahy dib u dhac, waa taas dhalinyaradeenii Badaha ku dhimanaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. 

Dagaalka Al Shabaab in Wada-hadal loo badali karo;

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo diyaar u tahay inay wada-hadal ku raadiso sidii loo soo celin lahaa dhalinyarada la khalday ee katirsan ururka Al Shabaab, maadama Qoriga Caaradiisa ay ka wanaagsantahay wada-hadalka isagoo  xusay inay horay ugu sameeyeen cafis iyo inay siin doonaan nolol wanaagsan ciddii kasoo laabata fikirka qaldan ee lagu dhibaataynayo shacabka. Hadalkan ayuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay isagoo ka jawabayay su’aal uu weydiiyay dhagayste ku sugan deegaanka Balli Dhiig. 

Qorshaha dowladda uga dagan Dilalka qorshaysan iyo Qaraxyada  ka dhaca Muqdisho; 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ku guulaysatay yaraynta qaraxyadii tirada badnaa ee ka dhici jiray caasimadda dalka ee Muqdisho, taasina ay tahay midda ay mudnaanta siinayso xukuumadda oo ah ballanqaadkii ay u sameeyeen shacabka. 

“Anagoo kaashanayna cidamada Qalabka sida iyo shacabkeena, waxaana ku guulaysanay inaan saddexdii bilood ee ugu dambeeyay aan yaranyo qaraxyadii lagu xiri jiray baabuurta ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Farmaajo oo hadalkiisa ku daray inay dedaal ku bixin doonaan sidii ay adeegyada aas-aasiga ah u gayn lahaayeen caasimadda dalka.

 Dhiibista Cabdikariim Qalbi Dhagax 

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa wax laga weydiiyay waxa uu kala socdo qaabka loo dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax oo sannadkii hore gacanta loo galiyay dowladda Ethiopia, wuxuuna uga jawaabay, “Su'aashaasi runtii waa su'aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay'adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go'aan, waxaan aaminsanahay in go'aankaasi uu yahay kama dambeys." 

Ugu dambayntii Madaxweynaha ayaa wax laga weydiiyay halka ay ku dambaysay ballanqaadkiisii ku aadanaa inay noqon doonaan waddooyinka Muqdisho kuwa furan waqti kasta iyo fir-fircoonadii looga bartay doorashada kahor halkii ay ku dambaysay. 

Farmaajo wuxuu sheegay inuu keenay Ra’isal wasaare wanaagsan oo ka adag shaqadiisa islamarkaana howsha hadda ay hayaan tahay mid aad u wanaagsan. Waddooyinka la xiro ayuu xusay inay ka gudbi doonaan mardhow, balse ay kala doorteen qarax joogta ah iyo in xoogaa la xiro jidadka taasina wuxu uga cudur-daaray shacabka ay inay u dulqaataan. 

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Soomaaliya su’aalo toos ah ay weydiiyaan qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu yahay qorshe fiican oo uu ku faraxsanyahay.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM