Farmaajo oo Somaliland ugu baaqey in ay hormuud ka noqoto midnimada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabka maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

"Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan."

Baaqa Somaliland

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

"Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna."

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas.

Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland oo tan iyo sanadkii 1991-dii sheegata in ay tahay dal madax banaan ayaa ku hungowday in ay hesho aqoonsi caalami ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dowlada federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay qaadacdey shir labada dhinac ku dhex-mari lahaa Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM