Madaxwayne Farmaajo oo tegay xerooyinka ciidamada ee Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Talaado ah kormeer ku tegay qaar kamid ah xerooyinka ciidamada xooga dalka ee ku yaalla Muqdisho.

Meelaha uu tegay Farmaajo waxaa kamid ah; wasaarada Gaashaandhiga oo ku taalla degmada Dayniile iyo xerada Jenaraal Gordan ee degmada Hodan.

Dhowr illo-wareed ayaa xaqiijiyay in kormeerka Farmaajo ayaa daarnaa cabashada qaar kamid ah xoogaga dowladda.

Ciidamada difaaca qaranka oo ka cabanaya mushahar la’aan haysata bilooyinkii u dambeeyay ayaa soo baneeyay furamihii labada Shabeelle.

Talaabada uu qaaday hogaamiyaha dalka ayaa imaaneysa markii shalay ciidamo kale oo ku sugan degmada Baraawe ay ku goodiyeen in ay soo baxayaan.

Intii uu ku sugnaa wasaarada difaaca, Madaxwayne Farmaajo ayaa la sheegay in uu faray saraakiisha halkaasi ku sugan in la siiyo ciidamada xuquuqdooda.

Kaliya ma ahan mushaar la’aan, ciidamada ayaa sidoo kale ka gadooday in ay dowladdu ka jaratay Iidaankii [Cuntada], taasoo wali aanan la caddeyn sababta dhabta ee ka dambeysay.

Balse ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyay in diiwaan-gelin ku socota ciidamada darteed ay keentay ay qaar kamid ah askarta ku waayeen xuquuqdooda, inkasta oo ay su’aallo badan ka dhasheen.

Kormeerka Farmaajo oo aysan wali war kasoo saarin Madaxtooyadda ayaa u muuqda mid uu ay dowladda isku dayeyso in ay xasarada taagan ku dejiso, maadaama ay maqaar xanuun-jisay madaxda ugu sareysa dalka.

Dowladdo ay kamid yihiin, Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ayaa kolkii hore bixin jiray mushaarka ciidamada, balse waxay u joojiyeen wax is-dabamarin baahsan oo la sheegay in ay ka jirto habka loo bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM