"Federaalka waa isbuunyo kala ilaalineysa dadka kala aragtida duwan"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, ayaa ayiday in nidaamka federaalka uu xal u yahay xaaladihii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee dhacay 1991-dii.

"Federaaleynta waa isbuunyo isku dhaca, xanuunka, jugta kala ilaalisa qoloba gaara, ugu yaraan intii jirka oo dhan wada xanuunsan lahaa, qeyb kamid ah inteena kale u gurmano," ayuu ka yiri shir ja'raa'id.

Isaga oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, ayaa uga digay dowladda Farmaajo isku day walba oo ay meesha uga saareyso nidaamkan tisqaaday.

"Federaalka waxa uu kala ilaaliyaa dadka kala aragtida duwan," ayuu daba dhigay, isaga oo hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhameystirkiisa.

Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii Soomaaliya ay si rasmi ah u qaadatay nidaamka federaalka oo dastuurka qabyadda ah uu xeerinayo in uu yahay mid bud-dhig u ah dowladnimadda waddanka.

"Aayad Qur'aan ma ahan, waa la bedeli karaa, laakiin waxaa lagu bedeli karaa rabitaanka dadka oo uu ku yimaaday…laakiin qof iyo xukuumada ma diidi karaan rabitaanka shacabka," ayuu raaciyey.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo uu ku eedeeyay "ku tumasho dastuurka ah" ayuu ku waaniyey in ay ka baaqsadaan "cunaqabateynta" maamulada qaar iyo siyaasiyiinta ka aragtidda duwan.

"Dulqaadka dadka Muqdisho ayey dowladdan ku jirtaa…waxaan leenahay dadka yaan laga daba geyn, dadka maragga halaga daayo…dadkii shalay madaafiicda radiyey ayaa leh dastuurka hala ilaaliyo".

Xasan oo sii hadlaya ayaa uga digay madaxda dowladda federaalka isku day walba oo ay ku samey-sanayaan muddo korarsi marka uu dhamaado muddo xil-heyntooda oo ay uga harsan tahay sanad iyo bilooyin.

"Dowladdan ifafaalaha ka muuqdo dastuurka ixtiraam uma hayso, hadii dastuurka ixtiraam u hayn, mudda xileedkana uma hayso…waxyaabaha hadaaqa ah ee laga dhex-sheegayo yaaney waqti isaga lumin"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM