Filish: Dad badan oo aan garanayo ayaa Covid-19 ugu dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay in dad badan oo isagu shaqsi ahaan uu garanayo ay u dhinteen fayruska Corona.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa ka dhawaajiyey in qaabka kaliya ee dadka ku dhaqan caasimadda uga badbaadi karaan xanuunka ay tahay in ay raacaan talooyinka caafimaad.

Mr Filish oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in caabuqa uu si weyn ugu faafay magaala madaxda, balse aqoonta loo leeyahay oo hooseysa awadeed ay keentay in dadka ay garan-wayaan.

Shacabka malaayiinka ah ee ku nool caasimadda ayuu cod dheer ugu booriyey in ay raacaan talaabooyinka dowladda ee looga hortagayo.

Isagoo u muuqda mid ka jawaabaya hadalo kasoo yeeray siyaasiyiin, Filish ayaa meesha ka saarey in ajande siyaasadeed ay xukuumadda ka leedahay faafinta macluumaadka la xiriira fayruska.

"Dad aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan dalkoodana joogay ayaa cudurkan u geeriyooday, sidaas darteeda, talooyinka la idin siinayo qaata, ma jirto wax aan idinkaga sasabaneyno inaan been idiin sheegno hal, arrintaan waa halis," ayuu ka sheegay munaasabad xarig jarka waddo la dhisay.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa waxay saadaalisay in todobaadyadda soo aadan ay Muqdisho kasoo if-bixi doonan kiisas badan oo Covid—19 ah, waxayna dadka ku boorisay in ay gurigooda joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM