Gaari walxo qarxa lagu soo rakibay oo lagu qabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo nawaaxiga Jamaacadda Umadda, gaara ahaan qaybteeda ku taala afaafka hore ee xafiiska Duqa Muqdisho waxay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa.

Fahfaahinta laga helayo dhacadaan ayaa intaas ku dareysa in ay halkaasi ku sugan yihiin xeel-dheerayaal Miinooyinka ku takh-takhasusay, kuwaasoo isku deyaya inay gaariga ay ka furaan walxa qarxa si aysan ugaysan waxyeelo sababta dhimasho iyo dhaawac, marka uu qarxo baabuurka.

"Baabuurka waxaa laa dhigay meel ku dhow Jamaacad Umadda Soomaaliyeed. Wali ma uusan qarxin. Balse, waxaa hadda meesha yimid Hay'addaha amaanka, gaara ahaan kuwa Miino baarista oo howlgal ay kaga saarayaan Miinada ka wada Gaariga," sidaasi waxaa Warsidaha GO u sheegay masuul.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Soomaaliya oo goobta ku sugan ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Jamaacadda Umadda qaybteeda ku dhow xafiiska Duqa Muqdisho, oo ku yaala degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir.

Lama ogga illaa iyo haatan cidda meesha soo dhigtay baabuurka, iyo ujeedada laga damacsan yahay, balse falalka noocaan ah waxaa looga bartay kooxda xiriirka la leh Al-Shabaab, kuwaasoo weeraro Qaraxyo loo adeegsaday oo ay ka fuliyeen dhowr jeer Muqdisho ku dilay dad badan.

Jamaacadda Umadda Soomaaliyeed oo sanado kahor dib loo howl-geliyay ayaa waxaa dhigta boqolaal Arday Soomaaliyeed, kuwaasoo imtixaan adag usoo galay inay qayb ka noqdaan Jamaacadda, waxayna dhamaantooda ku dhigtaan lacag la’aan marka laga soo tago in laga qaado lacago yar oo adeegyo gaar ah loogu qabto.

Sida laga soo xigtay qaar kamid ah Arday dhigata Jamaacadda, waxaa maanta loo madal-sanaa inay yimaadaan xarunta Jamaacad Arday, kuwaasoo ka qayb qaadanaya imtixaanka sanad Dugsiyeedkaan lagu galayo Jamaacadda, kaasoo si rasmi ah ubilaabanaya 28-ka bishan Augusta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM