Gaas oo heshiiska 4.5 saxiixey inta uusan u sheegin shacabka Puntland- AKHRI

Soomaliya

GAROWE, Puntland- Qoraal lagu soo bandhigey shaxda qaybinta xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka kasoo ay saxiixeen madaxda dowlada Somaliya iyo maamulada ka tirsan Federaalka ayaa warsidaha Garowe Online u suurtagashey inuu helo.

Nuqulka heshiiskaan ku lifaaqan hoos ayaa waxaa ka muuqata in madaxda Somalida ku heshiiyeen hab-qaybsiga aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka iyagoo raacaya nidaamka 4.5 ee beelaha Somalida taasoo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qalinka ku duugeen.

Heshiiska qaybsiga xildhibanada iyadoo la raacayo nidaamka 4.5 ayaa madaxda maamulada saxiixeen 31 March,2016 xiligaas oo maamulka Puntland weli aqbalin in habka qaybsiga beelaha ee 4.5 lagu saleeyo Barlamanka Federaalka ee lasoo dooran doono dabayaqada sanadka 2016.

Saxiixa ka muuqada qoraalkaan ayaa khilaafsan Taariikhda Madaxweyne Cabdiweli Gaas magaalada Garowe ugu sheegey shacabka Puntland inuu aqbaley in nidaamka hab beleedka ee 4.5 lagu soo xulo Xildhibanaada Barlamanka Federaalka ee soo socda taasoo aheyd 3/04/2016.

Sida aan wada ognahay Ra'isal wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashid ayaa magaalada Garowe soo gaarey 25/03/2016 isaga oo safarkiisa salka ku hayey sidii dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweyne Gaas uga qancin lahaa in nidaamka 4.5 uu aqbalo.

Hadaba sida ka muuqata saxiixa heshiiska shaxda qaybsiga xildhibanada Barlamanka Federaalka ee ku saleysan nidaamka 4.5 sanadka 2016 ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu qalinka ku duugey 5 cisho kadib markii Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid booqasho ku soo gaarey xarunta Puntland 31/ 03/2016 halka shacabka maamulkaas loo sheegey in xukuumada ogaalaatey nidaamka 4.5 3/04/2016.

Dhinaca kale Garowe Online ayaa ogaadey in Madaxweynaha Somaliya oo lagu eedeeyey inuu ka hordhacey ogolaanshaha Puntland ee 4.5 kadib markii uu ku bogaadiyey Madaxweyne Gaas talaabada geesinimada leh ee uu qaadey aysan khaldaneyn talaabadaas madaama xafiiskiisa gacanta ku hayey heshiiskaan la saxiixey 31 March, 2016.

Hoos ka akhri heshiiska madaxda Somalida ee wax ku qaybsiga nidaamka 4.5 kasoo daaha ka qaadey xaqiiq ka qarsooneyd shacabka Somalida gaar ahaan kuwo Puntland: 

GAROWEONLINE 

Warar la xiriira

Wararkii ugu dambeeyey